Xubno loo tababaray sidii ay u difaaci lahaayeen Xeebaha Dalka Soomaaliya


Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Labaatan saraakiisha fulinta sharciga ee Soomaaliya ayaa waxaa la siiyay tababar ku saabsan baartiaanka dambiyada, gar-gaarka deg-degga ah, isgaarsiinta, baaritaannada doomaha laga shakiyay, ka hor-tagga kooxaha hubeysan, sharciyada caalamiga ah ee badaha iyo xuquuqul insaanka.

Tababarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu xoojinayo sidii loo ilaalin lahaa xeebaha dalalka Geeska Afrika, waxaana tababarkan dhaqaalaha ku baxaya bixiyay Midowga Yurub.

Saraakiishan Soomaalida ah ayaa laga keenay gobollo kala duwan si ay qayb uga qaataan ilaalinta xeebaha dalkooda. Tababarkan ayaa socday muddo lix toddobaad ah, iyadoo la billaabay 22-kii Abriil lana soo gabagabeeyay 29-kii May oo dorraad ahayd, kaasoo lagu qabtay saldhig ku yaalla magaalada Jabuuti.

Madaxa EUCAP ayaa sheegtay in tababarka lagu horumarinayo wada-shaqeyn dhow oo dhexmarta maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka mid ah laba gobol oo ka tirsan Soomaaliya.

“Tababarkan waa mid muujinaya in Midowga Yurub ay ka go'an inay dadaal ku bixiyaan si loo gaaro natiijooyin la taaban karo oo lagu xoojinayo awoodaha sharci fulinta Soomaaliya," ayuu ka sheegay Jen. Gilles Janvier oo ka mid ah madaxda Midowga Yurub gabagabadii tababarkan.

Isagoo sii hadlayaya Javier ayuu yiri: "Waxaan ku faraxsan nahay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada gobollada ee Puntland iyo Galmadug ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xoojinayo amniga badaha ee gobolka."

Madaxa ergada EUCAP Nesto, Etienne de Poncins ayaa isaguna tababarkan ku sheegay guul ay lagu tallaabsaday oo ay taageeraqyaan, taasoo uu sheegay in lagu xoojinayo ka hortagga badaha Soomaaliya.

"Dadaalladeennu ma joogsan doonaan, bilaha soo socda way sii socon doonaan tababarrada noocan oo kale ah innagoo qaban donna tababar kale oo soconaya muddo lix toddobaad ah oo la siin doono askarta ciidamada badda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray de Poncins .

Saraakiishan la tababaray ayaa waxaa la siin doonaa qalab ay ku shaqeeyaan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Midowga Yurub, kuwaasoo ay ka mid yihiin qalabka gargaarka deg-degga ah iyo jaakadaha la isticmaalo fulinta howlsha ay qabanayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya