Madaxweynaha Somaila oo Saxaafada ugu baaqay inay dhex-dhexaad noqoto

Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida looga baahan yahay inay dhex-dhexaad ka noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Xasan Sheekh oo dhawaan la hadlayay guddoomiyeyaal tababar loogu gunaanaday Muqdisho ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida aysan dhex-dhexaad ka ahayn sida ay u tabinayaan wararka dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Warbaahinta Soomaalida waxaan ugu baaqayaa inay dhexdhexaad noqdaan marka ay tabinayaan wararka ku saabsan dagaallada lagula jiro Al-shabaab, waxaana ugu baaqayaa inay gacan siiyaan sidii dalkan nabad loogu soo dabbaali lahaa,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ku bogaadinayo saxaafadda sidii ay doorka wanaagsan uga qaateen nabadda iyo sida ay u baahiyeen farriimaha ku saabsan nabadda iyo dulqaadkooda ku aaddan inay shacabkooda u shaqeeyaan mar walba.

“Runtii waxaan dhihi karaa saxaafadda Soomaaliyeed waxay u soo dhabar-adaygeen dhibaatooyin badan oo ay ku hayeen kooxaha nabadda diiddan, waxaana jira kuwo badan oo dhintay iyagoo howlahooda gudanaya,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in isagoo la socda dhibaatadaas ay xilligan ku shaqeeyaan haddana looga baahan yahay inay nabadda u hiiliyaan ayna dhex-dhexaad ka noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaallada.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Somalia uu sheego in looga baahan yahay warbaahinta Soomaalida inay dhex-dhexaad ka  noqdaan tabinta wararka ku saabsan dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya