Kulan lagu xoojinayo ka hortagga burcad-badeeda oo New York lagu qabtay

Jimco, May 30, 2014 (HOL) — Kooxda la-dagaalanka brcad-baddeeda Somalia meelaha ka baxan xeebaha Soomaaliya ayaa Fadhigoodii 16-aad ku yeesheen Magaaladda New-York ee Xarunta Qaramada Midoobey 14-kii Bishii May , waxaana Kulankaaas Shir Gudoominayey Ururka Midowga Afrika.

Kooxda  u Midoowdey la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa Kulankooda waxay Diirada ku saareen in Muhiim tahay in Talaabooyin Wadajir ah laga qaado Kooxahaas oo u Midoobaan Wadamada Gobolka si looga hortago Khatarta ay ku hayaan Maraakiibta  Wada Shixnadaha kala  duwan ee isugu jira Ganacsiga iyo Gargaarka  isla mar ahaantaas waxay soo  jeediyeen in ay Muhiim tahay in wax laga badelo qaabka  loo shir Gudoomiyo Shirrarka looga hadlayo Burcad badeeda Soomaaliya

Kooxda Xiriirku waxay soo Dhaweeyeen  Dadaalada Caalamiga ah ee looga soo horjeedo Kooxaha Burcad Badeeda ka jirta Geeska  Afrika,waxayna ka Codsadeen Dhamaan Wadamada ay Khusseyso arrintaan,Dadka Caadiga iyo Milatariga, haddii ay ahaan lahaayeen mid Guud iyo Mid gaar ahaaneed  in ay u Midoobaan Dagaalka  looga soo hiorjeedo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, iyadoo la ogyahay in Guulo wax ku ool ah laga gaarey hadana wax waliba ay isbadeli karaan.

Kooxda Xiriirka ee la Dagaalanka Burcad Baddeeda waxay sheegeen in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay  Horumar ah ka sameyneyso amaanka Marinka Badda Soomaaliya islamarkaana ay  la timid  Qorshe ku wajahan sidii  gacan looga siin lahaa sidii ku Ilaalshan lahayd Khayraadkeeda  oo aan loola bixi lahayn 

Kooxda waxay isla qireen oo ay amreen in Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay Masuuliyad ka saaran tahay sidii loo Cirib tiri lahaa Kooxaha Burcad Badeeda iyo Dambiyada kale ee ka dhaca  Badaha, islamrkaana Xiriir Iskaashi la sameyso Wadamada Gobolka si Cadaalada loo Horkeeno Kooxahaas Caadeystey Qafaalashada Maraakiibta Shisheeye.

Soomaaliya oo Taageero ka heleysa  Wadamada Gobolka iyo kuwa Caalamka , ayaa hada waxay Beesha Caalamka ka rajeyneysaa in ay hesho Balan qaadkoodii  ahaa  in ay taageeraan dadaalka ay ugu jirto la Dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda si loo helo isbedel rasmi ah Labada Sano ee Soo Socota    

Kulanka ayaa laga sheegey in Horumar laga sameeyey in  Kooxha Burcad Badeeda ay sii wadaan Qafaalashadii ay ku hayeen Maraakiibta Shisheeye taasina waxaaa loo sababeeyey iyadoo meel  uga soo wada jeesteen Maraakiibta Dagaalka ee Wadamada Shisheeye iyo kuwa wada Shixnadaha Ganacsiga oo sameystey Ilaalo u gaar ah 

Kooxda waxay Muhiimada Koowaad siiyeen in Baaritaano lagu sameeyeyo Dambiyada ay galeen Kooxaha Burcad Badeeda si loo Horkeeno Cadaaladda loona  Maxkamadeeyo, waxayna Isla Qiireen sida ay Muhiimad u leedahay in  kooxahaas lagu Maxkamadeeyo  Wadamada Gobolka siiba Soomaaliya haddii ay Suurat gal tahay

Waxaa kaloo lagu Booriyey  Dowlad Goboleedyada   iyo Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in ay ka dhabeeyaan oo ay qaataan Mowqifka   ka dhan ka ah Burcad Badeeda ee ay qaadatey Dowlada Federaalka, Wadamada Gobolkuna ay ogolaadaan in lagu  Maxakamadeeyo laguna Xiro Wadamadooda  si ay u helaan Taageerada Beesha Caalamka

Kooxda Xirirka waxay soo Dhaweeyeen Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Tansaaniya iyo Midowga Yurub ee k u saabsanaa in loo Gudbiyo Kooxaha looga Shakisan yahay  Burcad Badeednimada  EUNAVFOR, waxaana Heshiiskaas lagu saxiixxay Magaaladda Brussels  oo Xarun u aha Midowga Yusurb  Bishii April waxaana Goob joog ka ahaa heshiiskaas Madax Sar sare oo ka tirsan Wasaaraddaha  arimaha Dibada, Siyaasada iyo Amaanka  Midowga Yurub iyo Wasiirka arrimaha Dibada dalka Tansaaniya 

Ugu dambeyntii Kooxda Xiriirka waxay ku heshiiyen in la sii wado dadaaladda Caalamiga ah ee looga soo horjeedo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida lana sameeyo iskaashi iyo Xirir ka Dhawaansho badan kii hore, si loo sii wado la Dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya