
Sabti, May 31, 2014 (HOL) — Wasiirka waxbarashada Somalia, Ciise Maxamed Guraase oo dalka Tuuniisiya kaga qaybgalaya shir ay isugu yimaadeen wasiirada waxbarashada ee dalalka xubnaha ka ah ururka jaamacadda Carabta ayaa been-abuur ku tilmaamay war lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo lagu sheegay in wasiirku uu ka hadlay xariga taliyaha hoggaanka saadka booliiska Soomaaliya, Jen. C/llaahi Xasan Bariise.
Guraase ayaa sheegay in qaar ka mid ah warbaahinta Somalida ay ka faafiyeen warar been abuur ah oo wax u dhimaya amniga iyo jiritaanka Somalia kuwaasoo lagu been abuurayo mas’uuliyiinda dowladda.
“Muddo hal toddobaad ah dalka waan ka maqnaa, wali cid ka tirsan warbaahinta lama hadlin, waxba kama ogi xariga taliyaha hoggaanka saadka booliska Somalia,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale, isagoo sii hadlaya wasiirka ayuu yiri: “Warbaahinta qaarkeed waxaa caado u noqotay in been laga qoro mas’uuliyiinta dowladda, arrintaas waa mid halis ku ah amniga dalka, tallaabo cad oo sharciga waafaqsan ayaanan ka qaadi doonaa kuwa nolol maalmeedkooda ka raadsanaya in been laga qoro mas’uuliyiinta Qaranka.”
Wasiirka ayaa caddeeyay inuusan meelna kasoo geli karin xariga Jen. Bariise, isagoo xusay in arrinkaas ay tahay mid ay ka hadli karaan oo kaliya xubnaha ay qusayso.
“Anigu xagee kasoo geli karaa xariga masuulkaas, waa arrin u taalla laamaha ay qusayso oo keliya, wasiirkii waxbarashada ayaan ahay hawlaha ii yaalla ayaa ka badan inaan dhex ordo shaqo aanan teyda ahayn,” ayuu yiri wasiirka oo xusay in uu sharciga la tiigsan doono kuwa ku been abuurtay.
Taliyaha hoggaanka saadka booliska Soomaaliya, Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo xariggiisa shalay la shaaciyay ayaa qaar ka mid warbaahinta Soomaalidu waxay qoreen in wasiirka waxbarashada Ciise Maxamed Guraase.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya