Munaasabadaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo laga xusay Magaalada Eskilstuna ee Dalka Sweden (SAWIRRO)

 

Sabti, June 28, 2014(HOL)—Xaflad lagu maamuusayay 54 guuradii ka soo wareegatay markii ay Gobollada Koofureed iyo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaadeen gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, sidoo kale ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koofur ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden.

 

Xafladda oo uu soo qabanqaabiyay Ururka isku-xirka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Eskilstuna (SUN) ayaa waxaa halkii lagu qabtay oo ahayd Forslunda Centrum ka soo xaadiray dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo isugu jira Soomaaliya iyo Dadyow kale oo u soo baxay in ay farxadda la wadaagaan dadka Soomaaliyeed ee isugu soo baxay in ay weyneeyaan maalmaha qiimaha weyn u leh.

 

Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal furitaan ah ka jeediyay guddoomiyay Ururka isku-xirka dhalinyarada Soomaaliyeed Maxamed Khadar oo u mahadceliyay dadkii munaasabad ka soo xaadiray, wuxuuna sheegay in sanad kasta marka la gaaro maalmaha xoriyadda ay sammeeyaan munaasabado lagu maamuuso maalmaha xoriyadda Soomaaliyeed oo looga dabaal-dego meelo badan oo caalamka ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE


 

Maxamed Khadar waxaa uu intaas ku daray in weyneynta maalinta xornimada Soomaaliyeed ay urur ahaan u arkeen mid muhiimad gaar ah leh, sidaas darteedna ay go’aansadeen in ay tallaabadan qaadaan. Wuxuu intaas ku daray in Fannaaniin ay ka mid yihiin Nasteexo Indho oo Norway ka timid iyo Maxamed Jaceelow oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee Sweden ay go’aansadeen in ay munaasabadda ku casuumaan si ay xafladda heeso waddani u badan uga qaadaan.

 

Munaasabadda waxaa dadkii badnaa ee ka soo qeybgalay ka sokow lagu casuumay oo ka soo xaadiray Gudoomiyaha Degmada Eskilstuna Jimmy Jansson, ku xigeennadiisa Magnus Johansson iyo Joel Hamberg . Madaxda ka socotay degmada Eskilstuna  ee dalka Sweden ayaa waxay Soomaalida ugu hambalyeeyeen maalmaha qiimaha leh ee ay maamuusayaan, waxayna ku tilmaameen Soomaalida dad dalkooda xasuusta oo dhanka kalena jecel in ay la qabsadaan waddanka ay ku nool yihiin ee Sweden.

 

Sidoo kalena, waxaa iyana ka hadlay Helena Andersson iyo Marie Svensson qeybta Suuqa Shaqada iyo Famillada iyo weliba Qeybta Jaaliyadaha ay leeyihiin dadka ajaanibta ah ee ku nool degmada Eskilstuna, waxayna iyaguna bogaadiyeen dadka Soomaaliyeed oo isugu soo baxay in ay xusaan maalinta qarannimadooda.

 

Munaasabadda sanadkan ayaa waxay uga duwaneyd munaasabadaha sanadihii hore la soo qabtay in ay dhowr maalmood laga soo hormariyay 1-da Luulyo, waxaana taasi ugu wacan iyadoo maalinta 1-da Luulyo ay ku soo beegmeyso maalin Ramadaan ah. Ma ahan Eskilstuna, Sweden oo kaliya meesha la soo hormariyay xuska 1-da Luulyo waxaana jira meelo badan oo caalamka oo looga dabaaldegay.

Waxaa weyneyta xuska maalmaha xoriyadda Soomaaliya kala qeybgalay Soomaalida dhalinyaro ka socday Jaaliyadda Bolivia ee Eskilstuna ku nool, kuwaasi oo ciyaarahooda hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay munaasabadda, waxayna dabcan ciyaarahooda ahaayeen kuwo soo jiidasho leh oo aad loo jecleystay.

 

Sidoo kale, waxaa sanadkan xusid gaar ah mudneyd in Soomaalida loo ogolaaday in ay calankooda saaraan oo uu ka babado hawada halka munaasabadda ka dhaceysay, waxayna taasi u ahayd Soomaalida maamuus gooni ah iyo in qadarin gaar ah la siiyay.
 

1960-kii ayay ahayd markii ay dadka Soomaaliyeed ay xornimadooda ka qaateen gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, kaddibna waxay dadka Soomaaliyeed heleen dowlad madax bannaan oo si xor ah loo soo doortay. Dowladdaas iyo Dowladdii Mileteriga ee ka dambeysay kaddib dalka Soomaaliya wuxuu galay burbur aanu illaa maanta ka soo kaban, waxayna dadka Soomaaliyeed qabaan rajo ah in dalka Soomaaliya uu mar kale la jaan-qaadi doono dalal kale ee caalamka.


 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]