Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah cuyaamiinta ku nool magaalada Muqdisho ayaa loo qaybiyay Khamiistii shalay ahayd kuraasta ay curyaamiinta ku socdaan oo ay ku deeqeen dad Soomaaliyeed oo musxiniin ah oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Maxamed Abshir oo madax ka ah hay'adda RajoQab foundation. Maxamed Abshir oo isaguba ku curyaamoobay shil mooto uu kula galay sannadkii 2000.
Deeqdan oo loosoo wakiilay xubno uu ka mid yahay ex-xildhibaan Xuseen Gaa-gaale ayaa lagu qaybiyay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo ay ka faa’iideysteen deeqdan cuyaamiin ay tiradoodu ahayd 40 cuyaamiin ah oo ku kala nool degmooyinka Xamar-jabab, Waaberi, Xamar-weyn iyo Howlwadaag.
Curyaamiinta loo qaybiyay kuraastan ayaa waxay isugu jireen rag iyo dumar, iyadoo mid walba oo ka mid ah uu helay kursi uu ku socdo oo cusub, iyadoo ay qaarkood ahaayeen kuwo aan lahayn kuraas ay ku socdaan oo gurguuran jiray.
Naafadan ayaa waxay kala ahaayeen 14-qof oo ku nool Waaberi, sideed ku nool Xamar-jajab, sagaal ku nool Xamar-weyne iyo sideed ku nool Howl-wadaag oo dhammaantood ka tirsan demooyinkan gobolka Banaadir.
Curyaamiinta ka faa’iideystay deeqdan oo hadlay ayaa sheegay inay aad ugu farxasan yihiin deeqdan lasoo gaarsiiyay, waxayna sheegeen in la siiyay xilli ay baahi weyn u qabeen, iyagoo dadkii ku deeqay ugu duceeyay in EEBBE uu wax ka khayr badan ugu bedelo.
Qiimaha ay ku kaceen kuraastan ayaa ahaa $5,200 oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii loo caawin lahaa curyaamiinta ku nool Muqdisho, kuwaasoo inta badan la arkayso iyagoo gurguuranaya jidadka waaweyn ee Muqdisho.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya







