Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Xarunta Macluumaadka ka hortagga burcad-badeeddu Soomaaliya oo hoteelka Jasiira ee Muqdisho ku qabatay kulankii sideedaad ee looga hadlayay burcadbadeedda Soomaaliya ayaa daraasad ay soo saartay ku sheegtay in burcadbadeeddu aysan cago-badan ku taagnayn xilligan.
Ajandaha kulanka oo ahaa - Aragtida iyo fahanka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan burcad-badeednimada - wuxuu abuuray jawi saamaxay in si rasmi ah loogu soo bandhigo sababaha keenay hoos u dhaca falalkii ay burcad-badeeddu ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya.
“Sida ku cad daraasadda IPSOS ay samaysay bishii Abriil 2014-kii, dadka Soomaaliyeed 90% way kasoo horjeesteen burcad-badeednimada. Dadkii ka qayb-qaatay daraasaddan waxay sheegeen in burcad-badeednimadu aysan ahayn oo keliya sharci-darro, balse sidoo kale ay sumcad-darro ku tahay dalka,” ayaa lagu yiri daraasadda SAPIC.
Xarunta ayaa sheegtay in kulankan ay uga gol-lahayd inuu noqdo fagaare lagu soo bandhigo warbixintii daraasadda; isla markaana lagu ogaado aragtida ay kasoo qayb-galayaashu ka qabaan burcad-badeedda iyo sida ay u arkaan inay dhiirri-galiso burcad-badeednimada.
Maxamed Cabdulqaadir oo ka mid ahaa dadkii kulanka ka qayb-galay ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii ay jiri lahayd dowlad xoog leh aanay dadku ku dhiirradeen burcad-badeednimada. Isgoo dowladda federaalka Soomaaliy ku boorriyay inay qorshayshe u sameyso dadkii burcad-badeedda isaga baxay.
Sidoo kale, guddoomiyaha dalladda culimmada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad kana mid ahaa ka qaybgalayaasha kulanka ayaa carrabka ku dhuftay inaan bulshadu u ogolaan dhallinta inay ka dhigtaan faldambiyeedyo nolol. “Waa inaan qofna laga yeelin inuu dadka ka hor istaago marin biyood caalami ah, ciddii dadka ka hor-joogsata inay biyaha caalamiga ah maraanna sharciga ha lala tiigsado”.
Cabdullahi Maxamed Shirwac oo ah guddoomiyaha dallada ururada aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Somalia (SOCENSA) oo isna ka hadlay kulanka ayaa yiri: “Daraasadaha waxaa laga sameeyaa uun burcad-badeedda Somalia, balse waxaan jeclaan lahaa in daraasad laga sameeyo kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo suntan lagu qubo xeebaha Somalia.”
La-taliyaha sare ee madaxweynaha oo isna hadlay ayaa isna sheegay inay ka go’an tahay dowladda la-dagaallanka burcad-badeedda, haseyeeshee ay muhiim tahay taageerada beesha caalamka ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda. “Ka dowlad ahaan, way naga go’an tahay inaan burcad-badeedda la-dagaallano, ha-yeeshee, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamku hay’adaheenna taageerto.”
Daraasaddan ayaa laga sameeyay Gaalkacyo, Dhadhaab iyo Muqdisho taas oo muujisay inuu jiro is-bedel wanaagsan oo dhanka aragtida iyo fakarka ah, kaasoo ku saabsan burcad-badeedda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adkaatay in la cabbiro jiritaanka is-bedel afkaareed ku saabsan saameynta dhaqaale ee burcad-badeednimada, iyadoo aysan jirin wax kale oo lagu tiir-sanaado oo dadka ka weecin kara arrintan.
Inkastoo warbixinta daraasaddani ay muujisay is-bedel aad u sarreeya oo dhanka fekerka ah, kaasoo ah in 82% dadkii ka qayb-galay daraasaddan ay hoosta ka xarriiqeen inaan burcad-badeednimada la dhabar-goyn karin inta shaqo la’aantu jirto.
Dadka kasoo qayb-galay kulankan waxay ahaayeen wakiilo ka kala socday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, dalladda culummada, ururka haweenka Qaranka iyo ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
Xarunta macluumaadka ka-hortagga burcad-badeedda Soomaalia (XMBS) waa xarun ku taalla gudaha Soomaaliya oo maxalli ah, isla markaana hal-beeggeedu yahay u ololeynta soo afjaridda burcad-badeednimada ka dhacda biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la kaashanayo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya