
Jimco, Juun 27, 2014 (HOL) - Kulanka 1-aad ee golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ka qeyb galaya inkabadan 1065 qof oo ka socda 163 dowlad oo ay qeyb ka yihiin 113 wasiir.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah u furay shirka.
Wasiirrada ka qeyb galaya kulanka ayaa maanta ka hadlaya qaabka joogtada ah ee lagu hormarin karo deegaanka iyo qorshaha sanadka 2015-ka, sidoo kale waxaa jira kulamo gooni gooni ah oo looga tashanayo horumarinta deegaanka.
Wasiirka deegaanka ee dalka Mongolia Dr Oyun Sanjaasuren ayaa billowgii shirka loo doortay madaxa golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay, waxaan ku xigeenno looga dhigay 8 xubin oo kasoo jeeda dalal kala duwan.
Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galaya Yuusuf Macallin Amiin, oo ah wasiirka wasaaradda gaadiidka badda iyo dekedaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.
Shirka ayaa lasoo gabagabeyn doonaa barri oo Sabti ah, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo looga hortagayo dhibaatooyinka heysta deegaanka caalamka, waxaa gabagabada qudbad ka jeedin doono xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon.