Jimco, June 27, 2014 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusaayay 54-guuradii kasoo wareegtay maalintii ay xoroobeen gobolada waqooyi ee dalka Somalia isla markaana ciidda Soomaaliyeed laga taaggo calankeenna 26-kii Juun 1960-kii ayaa lagu qabtay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.
Munaasabaddan oo lagu qabtay Swiss Hotel oo ku yaala Ankara ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, waxaana goob-joog ka ahaaa mas’uuliyeen heer caalami ah oo uu ugu horreeyo danjiraha Somalia ee dalka Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha ıyo federaalka Somalia, Maxamud Macallim Yaxye iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Turkiga sida wasiirka dhirta iyo biyaha, Veysal Eroğlu iyo taliye ku xigeenka ciidamada Turkiga, Yaşar Güler, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Turkiga.
Sidoo kale, waxaa xafladda kasoo qayb-galay ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga, gaar ahaan inta ku nool magaalada Ankara iyo dhammaan safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Turkiga.
Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Mudane Maxamed Mursal oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo ku aaddan 26 ka Juun u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan, wuxuuna si gaar ah ugu hadlay halkankii lagu raadinayay gobonnimada Soomaaliya.
Wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha ıyo federaalka Somalia, Maxamuud Macallim Yaxye ayaa khudbad uu jeediyay isna ku sheegay xornimada Soomaaliya in dhiig badan uu u daatay ayna mudan tahay in la maamuuso, waxaa kaloo uu ammaan u jeediyay xukuumadda iyo shacabka Turkiga sida ay mar walba u garab-taagan yihiin dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne, Xassan Shiikh Maxamuud, isagoo ku bogaadiyay howlaha horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka waddo Somalia.
Ugu dambeyn waxaa xafladda hadal xasaasi ah ka jeediyay wasiirka dhirta iyo biyaha Turkiga, isagoo sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uu ugu hambalyeynayo sannad-guurada 54-aad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen, wuxuuna xusay inay dowladda Turkiga hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed ay ka fulin doonto Soomaaliya mashaariic ay ka mid yihiin biyo-gelin si ay u daboolaan baahiyaha ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed inay helaan biyo nadiif ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya









