Aqoonyahanno Bogaadiyay Wax-qabadka Jaamacadda Banaadir (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Maamulka Jaamacada Banaadir ayaa manta casuumaad u fidiyay qaar ka mid ah aqoonyahanno Muqdisho kaga qayb-galay shir-weynihii looga hadlayay horumarinta xannaanada xoolaha.

Kulliyadda cilmiga xoolaha ee Jaamacadda Banaadir oo qayb weyn ka qaadatay abaabulka shirweynahan ayaa aqoonyanadii ka qeyb-galay oo tiradoodu 20-ruux ka badnayd ayaa maanta booqasho ku tagay kambaska ugu weyn Jaamacadda ee Dr. Shahiid oo ku taalla deegaanka Km-13 ee duleedka Muqdisho.

Aqoonyannadan oo intooda badan ka yimid qurbaha iyo degaanno Soomaaliya ka mid ah ayaa kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee xaruntaas, sida fasallada ay wax-ku-barataan kulliyadaha Jaamacada, Sheybaarrada, Maktabadda, Isbitaalka oo hadda uu ku socdo dhisme iyo qeybo kale, waxaana meel kasta warbixin ku siinayay, Cumar Maxamed Kulmiye oo ah ku-xigeenka hormuudka kuliyadda cilmiga xoolaha ee Jaamacada Banaadir iyo macallimiin jaamacadda.

Intii aqoonyahannadan ay booqashadak u jireen ayaa waxay sheegeen inay kala kulmeen wax aysan fileyn, ayna ku farxeen horumarka ay ku talaabsatay Banaadir Univeristy, iyagoo kula dardaarmay ardayda inay ka faa’iideystaan waxbarashada, iyagoo xusuusiyay inay yihiin jiilkii berrito la wareegi lahaa maamulka dalka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xubnaha aqoonyahannada ah ee maanta booqday Jaamacada Banaadir ayaa waxaa ka mid ahaa, Dr. Cabdiraxmaan Xuseen Cali, Dr. Xasan Xaaji Ciise, Xuseen Xaaji Fiiqow, Dr. Ibraahim Xareed Cali oo ah agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland iyo xubno kale.

Intaa kaddib ayaa mas’uuliyiinta Jaamacadda Banaadir iyo aqooyannahada waxay ka qayb-galeen qado sharaf loogu sameeyey hoteelka Beder ee Muqdisho.

Waxaa qadada ka dib goobta ka hadlay masuuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar isagoo ugu horeyn u mahad celiyey milkiilaha hotelka Beder oo u sameeyey qado sharafta iyo iyo aqoonyahanada aqbalay casuumada Jaamacadu u fidisay.

“Jaamacadda Banaadir waxaa la aasaasay 13-sano ka hor, iyadoo ay aasaaseen rag aqoonyahanno Soomaaliyed ah oo isku tashaday, waxaana lagu dhisay feker, caqli iyo maal Soomaaliyeed kaddib markii la arkay aqoonyahannadii dalka oo qaarkood oo dibadda u qaxay, qaar dhintay iyo kuwo kale oo howlgab noqday, waxaa lagu furay hal kulliyad, haatana waxay sii mareysaa sagaal kulliyadood oo laamaha cilmiga ka kooban,” ayuu yiri Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray inay baahan yihiin fekerka aqoon-yahannada kulanka ka qayb-galay iyo kuwa ka maqan intaba si loo horumariyo Jaamacadda; isagoo ka codsaday markay ku laabtaan dalalka ay ka yimaadeen inay Jaamacadda u noqdaan safiirro dadka kale gaarsiiya waxyaabaha ay kusoo arkeen Jaamacadda Banaadir.

Dr. Ibraahim Xareed Cali oo ah agaasimaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Puntland oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa mas’uuliyiinta Jaamacadda Banaadir uga mahad-celiyay casuumadda ay u fidiyeen isaga iyo aqoonyannada kale, wuxuuna xusay in Muqdisho uu kula kulmay horumar uusan fileyn ayna warbaahinta ka maqli jireen oo kaliya dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay, isagoo bogaadiyay horumarka ay ku tallaabsatay Jaamacada Banaadir.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle, kana mid ah asaasayaasha Jaamacada Banaadir iyo Prof. Maxamed C/raxmaan oo ka mid ah aqoon-yahannada Soomaliyed, iyagoo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inay aqoon-yahannadu isaga kaashadaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda, waxayna dhinaca kale ku baaqeen in la fuliyo natiijada kasoo baxday shirweynihii xanaaanda xoolaha ee dhawaan lasoo gabagabeeyay.

Ugu dambeyn, waxay mas’uuliyiinta Jaamacadda Banaadir ay hadiyado ka kooban calanka Soomaaliya iyo agabyo ka kooban allaabooyinka  hidaha iyo dhaqanka ay caanka ku yihiin Soomaalida ay mid-mid u gudoonsiiyeen aqoonyahannadii kulanka lagu casuumay oo iyana dhinacooda si weyn ugu farxay ugana mahad celiyay hadiyadahaas la guddoonsiiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya