Taliyaha Cusub ee Booliiska Gobolka Bari oo Maanta Xilka la Wareegay


Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen taliyihii hore ee booliska gobolka Bari Kol. Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) iyo Col. C/raxmaan Muslim oo madaxweyne Gaas uu dhawaan xilka u magacaabay.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta taliska booliska gobolka ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) oo isagu xilkaas dhowrkii sano ee ugu dambeeyey soo hayey.

Wuxuuna sheegay in xil-ka-qaadistiisu ay timid kaddib markii uu isagu codsaday in xilkaas laga wareejiyo, haseyeeshee aysan jirin sababo kale oo dhanka shaqada la xiriira, wuxuuna intaas raaciyey inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono taliyaha cusub isagoo tilmaamay inuu yahay nin khibrad badan leh howshaasna si wanaagsan uga soo bixi kara.

"Go'aanka aan xilkan ku wareejinayaa waa mid aniga iga yimid, aniga ayaa sidaas codsaday, codsi aniga iga yimid weeye, ma jiraan sababo kale oo xilka layga qaaday..." Kol. Af-dalow ayaa sidaas yiri.

Taliyihii hore wuxuu sidoo kale been abuur ku tilmaamay warar lagu daabacay qaar kamid ah baraha internetka, kuwaas oo sheegayey in xilka laga qaaday kaddib markii lagu soo eedeeyey inuu wax ka ogaa dilka taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta ee aagga Galgala Kol. Jaamac Af-guduud.

"arrimaha laygu eedeeyey wax ka jiraa ma jiraan, waa arrimo khalad ah oo been abuur ah... arrimaha website-ka lagu qoray waxaa kamid ah in sarkaalkii Af-guduud dilkiisa aan wax ka ogaa, been abuur weeye kuwa sidaas faafiyey waxan oran karnaa iyaga ayaa dilkiisa wax ka ogaa..."

Ugu dambeyntii waxaa hadalka qaatay taliyaha cusub ee booliska gobolka Bari, Kol. C/raxmaan Muslim, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay qaabka hufan ee xilka loogu wareejiyey, isagoo ballan qaaday in howsha adag ee loo xil saaray uu si hagaagsan uga soo dhalaali doono.

Xil-wareejinta taliyihii booliska gobolka Bari ayaa kusoo aadeysa xilli wareegto shalay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab, xilkaas oo loo magacaabay C/qani Xaashi Cali.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya