Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Hoggaanka muslimiita dalka Kenya ayaa ka dlabaday dowladda inay gacanta kusoo dhigto raggii dilay Sh. Abuubakar Shariif Axmed oo habeen hore lagu toogtay gudaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha golaha Imaamyada Kenya, Sheekh Maxamed Door ayaa sheegay in xukuumadda ay ugu baaqayaan inay sheegto ciddii ka dambeysay dilkii wadaadkii reer Kenya ee Abuubakar Shariif, si looga fogaado in Kenya ay ka dhacaan dagaallo diimo ku saleysan.
“Waxaan doonaynaa in falalka argagaxiso ee ka dhaca Kenya laga hortago, laakiin innagu waxaan rumeysannahay in dilkii Sheekh Abuubakar inuu ahaa mid la xiriira falalka argagaxisonimo ee dhacaya. Dowladda Kenyana waxaa saaran waajib ah in ay sameyso baaritaan deg-deg ah ayna noo sheegto kuwii ka dambeeyay dilka, si uusan shaki iyo muran u soo dhexgelin labada diimood,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Door oo ah guddoomiyaha golaha Imaamyada Kenya.
Sheekha ayaa hadalkiisa wuxuu ahaa mid kulul, isagoo xusay in xukuumadda ay ka doonayaan caddeynta kuwii dilay Sheekhii ay jeclaayeen, balse xukuumaddu weli wax war ah kama soo saarin dilka wadaadkan oo si aad ah looga jeclaa Kenya oo dhan.
Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeysay muslimiinta dalka Kenya in ay ka dambeeyaan weerarro loo geystay Kaniisado ku yaalla magaaladaas, iyo inay gacan ka geystaan weerarrada ka dhaca gudaha Kenya ee ay geysato Al-shabaab.
Xukuumadda ayaa horay ugu eedeysay Sheekh Abuubakar Makaburi inuu xiriir adag la leeyahay Al-shabaab, iyadoo sidoo kalena golaha ammaanka ay iyaguna ku sheegeen warbixin ay soo saareen in Sheekha uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.
Marmuumka ayaa horay u beeniyay inuu wax xiriir la leeyahay Al-shabaabta dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay jiraan in dowladda Kenya ay qorsheynayso inay dilaan balse uusan isagu wax cabsi ah ka qabin taas oo uu Alle ku kalsoon yahay.
Hadalka wadaaddada Kenya kasoo baxaya ayaa imaanaya iyadoo weli aysan jirin wax hadal ah oo soo baxaya oo ku aaddan cidda ka dambeysay dilka Sheekha lagu dilay magaalada Mombasa, kaasoo noqonaya kii saddexaad oo magaalada lagu dilo tan iyo sannadkii 2009.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya