Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cabdi Xirsi Cali QarjabKhamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) —Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Nugaal.
Guddoomiyaha cusub oo lagu magacaabo Cabdiqani Xaashi Cali wuxuu beddeli doonaa Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lixdii sano ee ugu dambeeyey ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo munaasabad ay labada mas'uul xilalka kula kala wareegayaan. Digreetada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u qornayd sidan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.