Dhallinyarada Xuddun oo wada olole ay kaga hortagayaan caafimaad darrada

Khamiis, Abriil 03, 2014 (HOL) — Ololayaal wadajir ah ayaa ka soconaya Xuddun oo ka mid ah degmooyinka gobolka Sool, kaddib markii ururro degmada ka jira ay sameeyeen olole nadaafadeed iyo mid waddooyinka lagu hagaajinayo.

Labada urur ee GALLAD IYO HORYAAL oo ah ururo dhalLinyaro ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka wadAy magaalada bartankeeda iyo dhinacyadeeda taasoo looga gol-leeyahay sidii looga hortegi lahaa xanuunno magaalada ka dillaaca marka la galo xilli roobaadka.

Maxamed Jaamac Mahad oo qayb ka ah iskaashiga labada urur ee hawsha haya ayaa sheegay inay ugu tala-galeen lix maalmood, balse uu kasii taf-dheeraaday oo ay gaarsiin doonaan ilaa shanta maalmood ee soo socda.

Hawlgalkan ayaa gebi ahaan dhaqaalaha ku baxayay ayaa bixinaya dadweynaha ku dhaqan degmada Xuddun ee gobolka Sool, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Jaamac.

Dhallinyarada degmada Xuddun ayaa sagaashameeyadii dagaal ballaaran ku qaadeen kaneecada kaddib markii looga qaxay deegaankaas, waxayna ku guuleysteen inay gabi ahaanba suuliyaan oo laga waayo muddo toban sanadood gaaraysa inkastoo ay markii dambe soo noqotay.

Degmadan ma jiro wax maamul ah oo ka dhisan, waxaana wixii wax-qabad ah inta badan isku xilqaama dhallinyarada iyo ururrda arrimaha bulshada ka shaqeeya taasoo magaalada ka dhigtay mid aan bilic ahaan wanaagsan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool