Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa shirkii ka socday ee maamul u sameynta kasoo baxay warmutiyeed uu soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasoo gundhigiisu uu ahaa in la dhiso maamul-goboleed ay ku mideysan yihiin lix gobol.
Bayaankaas kaddib ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu kasoo ambabaxay Baydhabo, isagoo soo gaaray Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Haddaba halkan ka daawo sawirrada shirkii Baydhabo iyo sidii afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya loogu soo dhaweeyay Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya