
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay barnaamijka deriseynta iyo tirakoob todobaadyadii ugu danbeeyay ka socday afarta xaafadood ee magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada barnaamijkan deriseynta laga leeyahay tahay oo kaliya sugida ammniga iyo waliba isku xirka bulshada ku dhaqan xaafaddaha magaalada, isaga oo u mahad celiyay mas'uuliyiinta maamulka degmada oo siweyn isaga xil saaray sida uu hadalka u dhigay fulinta barnaamijkan.
“Annaga ka maamul ahaa ujeedada aan ka laheyn nidaamka deriseynta iyo tirkoobka kaliya waxaa aheyd sugida ammniga iyo isku xirka xaafaddaha magaalada Beledweyne, taa oo wax weyn ka tari karta sugida nabad-galyada, waayo nidaam-ka waxaa uu sahlayaa in la ogaan karo inta guri ku yaala xaafad walba oo ka mid ah afarta xaafadood ee magaalada, simarkaa ay u sahlanaato isku xirnaanta iyo iska warqabka laamaha nabad-galyada iyo bulshada ku dhaqan xaafaddaha.
Guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa gaashaanku ku dhuftay warar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmarayay oo ahaa in qorshaha nidaamka laga leeyahay tahay in labo loo qeybiyo xaafad walba oo ka tirsan afarta xaafadood ee magaalada islamarkaana jiraan xaafadd durbaba labo loo qeybiyay isaga oo yiri '' War kaas waa waxba kama jiraan Beledweyne waxaa ka kooban tahay Afar xaafadood loo la garanayo, qorshaha ama ujeedada nidaamka deriseynta laga leeyahayna ma dhaafsiina sugida nabad-galyada iyo qaadista canshuurta.
Sidoo kale, guddoomiyaha oo ka hadllayay arinta ku saabsan tirakoobka lagu sameynayo dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa uu sheegay in ay tahay arin bilow ah, laakiin aan lagu tilmaami karin dhameystir.
“Ma oran karno waa sax tirkoobka hadda laga keenay xaafaddaha magaalada, laakiin waxaan dhihi karnaa waa bilow fiican, maxaa yeelay in tirakoob sax ah la helo waa mid u baahan qalab Elactronic ah iyo xafiiskii dowladda hoose ee tirkoob-ka dadka, sidaa daraadeed hadda tirkoobka la soo saaray kama danbeys ma'aha, laakiiin waa bilow fiican,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay in canshuurta laga qaadayo dadweynaha sida loo maamulayo kaalin ku lahaan doonaan xubno laga soo xulay qeybaha kala duwan ee bulshada, si looga war hayo halka lagu bixinayo dhaqaallaha laga qaado shacabka.
“Annaga waxaan rabnaa in ay cad yihiin halka lagu bixinayo dhaqaalaha shacabka laga qaado, sidaa daraadeed ma'aha oo kaliya in mas'uuliyiinta maamulka maamuli doonaan dhaqaalahaas ee waxaa qeybtooda qaadan doona xubno laga soo xulay qeybaha bulshada,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray dib-u-dhiska gobolka uu ku xiran yahay hadba sida bulshada ku dhaqan uga qeyb-qaataan arintaa iyada ah, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay magaalada Beledweyne oo bur bur weyn uu ka muuqto inta badan marka la eego kaabayaasha nolasha.
“Sida magaalo walba ay u ekaan karto waa mid mar walba ku xirran sida ay bulshada ku dhaqan ay isaga xil saarto arintaa iyada ah, annaga waxaa u socnaa in aan dib u soo celino dhamaan adeegyada bulshada, sida dib-u-dhis lagu sameeyo jidadka bur bursan, nadaafada oo wax badan laga qabto, leyrarka ama nalalka jidadka magaalada oo la soo celiyo, goobihii caafimaadka oo la hagaajiyo, waxbarashada oo sare loo qaado, in xarumaha dowladda ee hadda bur bursan dib bilicdoodii loo soo celiyo, intaa oo dhan waxaa gacan ka geysan kara bulshada, in magaalada Beledweyne iyo magaceeda leys waafajiyo waa qorshaha aan u socno,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Mar wax laga weydiiyay sida uu arko mas'uuliyiin maalmihii ugu danbeeyay ka waday magaalada Beledweyne olale doorasho, ayuu sheegay guddoomiyaha in qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah xaq u leeyahay in la doorto iyo in uu wax doorto, laakiin waxaa uu sheegay in mas'uuliyiintaas waqtigii loo baahnaa ka soo hordhaceen.
''Madaxweynaha dhawaan markii uu soo booqday magaalada Beledweyne waxaa uu kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxaa uu ku war-galiyay in dhawaan magaalada soo gaari doonaan xildhibaanno iyo xubno ka tirsan wasaarrada arrimaha gudaha oo la tashi la yeelan doono odayaasha dhaqanka, iyaga oo ka wada hadali doona waqtiga ay ku haboon tahay dhismaha maamulka, Ma in marka hore deegaannada dhiman ee gobolka la xoreeyo'' Ma in xoreynta iyo dhismaha maamulka gobolka leysku dhax wado'' Mise in marka hore la xoreeyo deegaannada kale ee gobolka kadibna loo soo jeesto dhismaha maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha ayeey talada ka go'daa walina wada tashiyadaas ma aysan bilaaban,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in aragtidiisa tahay marka hore in la xoreeyo deegaannada gobolka ka maqan ee ku jira gacanta Al-shabaab si markaa musharaxa ugu sahlanaato in uu olalihii doorasho ka soo bilaabo deegaan uu ka soo jeedo ama looga baahan yahay in uu iska soo sharaxo.
"Waan og-yahay annaga Soomaali ayeeynu nahay haddii hadda la guda-gallo wax qeybsi iyo dhisme maamul, waxaa dheeraan doonta ama lagaba yaabaa in leyska hilmaamo howshii kale ee aheyd in la xorreeyo qeybaha kale ee gobolka, laakiin mar walba waxaan leeyahay tallada waa mid ku xirran ka go'da odayaasha gobolka,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.
Ugu danbeytii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa wafuudii ka qeyb-gashay shirkii Brussels ee dalka Belgium ayaa ka warbixiyay aragtidiisa dhaqaallaha lagu yaboohay shirka.
''Gobolka Hiiraan ka hor shirka Brussels waxaa yimid gudi xog ururin ah, dabcan ka maamul ahaan waan u gudbinay wax yaabaha noogu muhiimsan ee u baahan in wax laga qabto, warbixintaana waxaa ay qeyb ka aheyd dukumiintigii la hordhigay shirka Brussels, sidaa daraadeed gobolka Hiiraan mar walba waxaa uu ka mid yahay gobollada dalka ee qeybta ku yaallana lacagahaas lagu yaboohay shirka, waxaana is leeyahay haddii sida loo yaboohay loo wada hello waa lacago wax weyn ka tiri kara baahiyaha jira,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Ugu danbeytii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay adkeystaan nabad-galyada hadda ka jirta magaalada, gacanna siiyaan laamaha nabad-galyada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya