
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — In ka badan 150 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu boobay afartii maalmood ee lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan magaalada Port Elizabeth sida laga soo xigtay booliiska gobolka Xeebta ku yaalla.
Boobkan ayaa waxaa geystay dad careysan sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska Koonfur Afrika, waxaana la rumeysan in arrintani ay salka ku hayso isir-nacaybka ka jira dalkaas.
“Tan iyo Axaddii lasoo dhaafay oo ay dhibaatooyin iyo rabshado socdeen, waxaa la boobay 150-dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed. Xaaladduna weli waa mid kacsan,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Koonfur Afrika, Col. Sibongile Soci.
Afhayeenka booliisku wuxuu sheegay in 70-qof oo laga shakisan yahay loo qabqabtay falkan dhaca ah, lana horkeeni doono toddobaadkan maxkamad si sharciga loo mariyo.
Rabshadahan ayaa waxay ka billowdeen dilka wiil 19-jir ah, kaas oo la sheegay inuu ka mid ahaa koox burcad ah oo doonaysay inay dhacaan dukaan uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed oo ku yaalla duleedka magaalada Port Elizabeth.
Koonfur Afrika ayaa dagaal ku saleysan isir nacaybka oo ka dhacay sanadkii 2008-da waxaa lagu dilay 60-qof, iyadoo dad badanna ay ka carareen halkii ay ku noolaayeen, iyagoo galay kaamam si ay naftooda ugu badbaadiyaan.
Xarunta Afrika ee la socodka magan-galyo doonka iyo arrimaha bulshada ayaa sheegtay in 140-qof oo shisheeye ah lagu dilay sannadkii hore dalka Koonfur Afrika, 250 kalena six un loogu dhaawacay, kuwaasoo ay ku jiraan Soomaali badan.
“Waan kasoo cararnay deegaannadii aan ku ganacsanaynay waayo waxaa ka qarxay rabashado colaad wata, waxaana naloogu hanjabay in nala gowrici doono sida xayawaanka oo kale,” ayuu yiri Faysal Axmed oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haysta Koonfur Afrika.
Soomaali fara badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo tan iyo markii ay halkaas tageen la kulmayay falal isugu jira dilal iyo dhac ay kooxo hubeysan u geysanayaan. Iyadoo dhibaatooyinkaas oo kale ay la kulmaan ajaanibta kale sida Itoobiyaanka iyo Eriteriyaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya