10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2013
Kooxo hubeysan oo Weeraray suuq Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo xiisado weli taagan (SAWIRRO)


Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay suuq ganacsi oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo markaas kaddib ay ciidamada booliiska iyo kooxaha hubeysan isku dhaafsadeen halkaas rasaas xooggan.

Goobta ganacsi ee uu weerarkan ka dhacay ayaa waxay ku taallaa xaafad lagu magacabo Westgate, suuqan oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan Magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidamada booliiska Nairobi, Kabue ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan suuqaas intii aanay bilaaban rasaasta.

Ganacsatadii ku sugnaa goobtaas ayaa kala firxaday, iyadoo ugu yaraan afar qof ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in shan qof ay halkaas ku dhaawacmeen.

Mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda Holland ay ku leedahay Nairboi oo ku sheegay magaciisa, Rob Vandijk ayaa u sheegay AP in maqaayad halkaas ku taalla uu raashin ka cunayay markii kooxaha hubeysan ay bam kusoo tuureen goobta ganacsi.

“Dableydu waxay billaabeen inay rasaas kasoo furaan dibadda xarunta iyadoo dadkii ku jiray goobta oo dhan ay kala yaaceen,” ayuu hadalkiisa ku daray Vandijk.

Iskahorimaadka ayaa bilowday 9:00 barqanimo ee saaka oo Sabti ah iyadoo ay socotay is-rasaaseyntu muddo nus saac ah, sida uu AP u sheegay mid ka mid ah goobjooge-yaashii halkaas ku sugnaa.

Telefishinka Qaranka Kenya ayaa baahiyay in laga baqdin qabo in kooxaha hubeysan ay gudaha xaruntaas madax-furasho ahaan dad ugu haystaan, iyadoo weli ay xaaladdu kacsan tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya