
Sabti, September 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa ka hadlay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isagoo tacsi u diray eheladii dadkooda ku waayay weerarkaas.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay aad u garanayaan dhibaatada ay leeyihiin weerarrada noocan oo kale ah ee ay ku dhintaan dadka fara badan.
“Haddii aan Soomaali nahay si wanaagsan ayaan u garanaynaa dhibaatada ay leedahay dadka ku geeriyooda weerarrada noocan oo kale ah,” ayuu ku madaxweyanha Soomaaliya ku yiri qoraalkiisan oo ahaa mid tacsiyadeed.
Isagoo sii hadlay ayaa wuxuu yiri: “Waxaan maanta uga tacsiyeynaynaa walaalaha ragga iyo dumarka ah ee Kenya falkan naxdinta leh. Waxaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa xukuumadda Kenya oo qayb weyn ku leh dadaallada nabad raadineed ee Soomaaliya.”
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay ka xun yihiin in la beegsado dad aan waxba galabsan oo ay caruur ku jirto, isagoo xusay in aan loo dulqaadan karin dhibaatooyinka ku dhacaya shacabka.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka xukuumad ahaan ay ku barbar taagan yihiin Kenya murugada dadkii naftooda waayay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas.
Weerarka maanta ka dhacay xarunta ganacsi ee WESTGATE ee magaalada Nairobi oo ay geysteen kooxo hubeysan ayaa waxaa ku dhintay 22-qof oo uu ku jiro wiil Soomaaliyeed iyadoo ay ku dhaawacmeen kontomeeyo ruux oo kale, waxaana weerarkan uu noqonaya kii ugu xumaa ee ka dhaca Nairobi muddooyinkan dambe.
Ciidamada Kenya ayaa weli la tacaalaya inay kooxaha hubeysan ka saaraan goobtaas ganacsi, kuwaasoo weli ku jira gudaha xaruntaas, waxaana sidoo kale goobtaas ku xayiran dad badan oo ganacsi ku haystay iyo kuwo halkaas u tagay inay ka dukaameystaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya