Kulan lagaga Arrinsanayo Horumarinta iyo sidii Shirka Maamulka Khaatumo looga qayb-geli lahaa oo ka furmay Buuhoodle (SAWIRRO)


Axad, November 17, 2013 (HOL) — Kulan looga arrinsanayo horumarinta iyo sidii looga qayb-geli lahaa shirka maamulka Khaatumo oo lagu wado inuu ka dhaco degmada Taleex ayaa ka furmay Hotelka Cabdi Gurey ee magaalada Buuhoodle.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen golaha deegaanka Buuhoodle ee maamulka Khaatumo ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo uu horkacayo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel), madaxda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa maalmaha uu socdo waxaa lagu soo bandhig doonaa dhowr ajande oo la doonayo in kulanka lagu lafa-guro.

Qoddobada looga hadlayo kulankan oo ay soo bandhigeen galaha deegaanka Buuhoodle ayaa waxaa ka mid ah:

  1. 1. In lagaga tashado shir-weynaha Khaatumo saddex ee Taleex
  2. In la sameeyo jidka weyn ee dhex-marta Buuhoodle lana banneeyo dhismayaasha sharci-darrada ah eek u yaalla jidka isla markaaana laga soo saaro waddo ballaaran, laguna xidho baalayaasha layrka ee iftiinka dheer leh
  3. In la sameeyo maamul hoosaadyo isku-xira gobolka oo dhan kaasoo ka talinaya degmooyinka iyo tuulooyinka isla markaana ay hoos-yimaadaan golaha deegaanka gobolka Cayn.
  4. In la xoojiyo guddiga ururinaya tabarucaadda musiibooyinkii dhawaan ka dhacay deegaannada Puntland.
  5. In la sameeyo guddi guurti ah ama wax-garad ah ay ka go’do talada guud ee gobolka; guddigaas oo ka kooban isimo, cuqaal iyo waxgarad.

Madaxweyne Indhasheel oo halkaas kula hadlay dadkii kulanka kasoo qayb-galay ayaa kula dardaarmay inay si dheer ugu baaraan degaan sidii uu miro-dhal u noqon lahaa shirkan.

Shirkan ayaan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee lasoo gaba-gabayn doono, waxaase la saadaalinayaa inuu qaadan doono toddobaad in ka badan, walow ay dadka badankoodu hadal hayaan sidii ay suuro-gal ku ahaan lahayd kharashka ku baxaya muddad uu shirku socdo.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool