Maamulka Puntland oo Murashaxiinta tartanka u taagan kula taliyay inay ka fogaadaan wax walba oo carqalad abuuri kara


Axad, November 17, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa kula taliyaya gabi ahaan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland inay ka fogaadaan wax walba oo carqalad abuur kara, iyadoo maamulku uu mar kale ku celiyay in la adkeynayo ammaanka Puntland inta doorashadu socoto.

Guddoomiyaha gobolka Bari, C/samaad Max'ed Gallan ayaa maanta ka sheegay Boosaaso in la ilaaliyo ammaanka deegaannada Puntland inta ay socdaan olalayaasha doorashooyinka madaxtinimada Puntland.

“Siyaasiyiinta u tartamaya xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland waa inay dhowraan ammaanka oo ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimi kara ammaanka iyo xasilloonida deegaannada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari,” ayuu yiri Gallan.

Sidoo kale, Gallan ayaa sheegay in shacabka gobolka ay diyaar u yihiin inay maamulka kala shaqeeyaan nabadgelyada, sidaasoo looga baahan yahay musharraxiinta xilka u tartamaya inay amniga dhowraan.

Puntland ayaa lagu wadaa in bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2014-ka ay ka dhacdo doorashada loogu tartamayo hoggaanka maamulkaas iyadoo ay u taagan yihiin xilka murashaxiin ka badan toban ruux oo mid walba uu isaga doonayo in xilka loo doorto.

Maalmahan ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo ka socday kulammo ay sameynayaan xubnaha u taagan doorashada, kuwaasoo mid walba uu shacabka iyo isimada siyaabo kala duwan u weydiisanayo in codka la siiyo.

Inkastoo murashaxiintu ay dadaallo ku jiraan haddana waxaa lagu wadaa in madaxweynaha soo socda ay doortaan golaha baarlamaanka Puntland oo ay xulistiisu hadda socoto, waxaana xilka kusoo bixi doono qofkii ay 66 xubin ee uu baarlamaanku ka kooban yahay codkooda siiyaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Bari ayaa imaanaya xilli uu dhawaan Faroole sheegay in murashaxiinta xilka u tartamaya aysan hub ku qaadan karin gudaha Puntland iyo inaysan ciidammo sameysan karin inta ay ololayaasha doorashada ku jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya