
Axad, November 17, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam Sheekh Axmed Madoobe ayaa u sheegay telefishin ka howl-gala dalka Kenya inuu soo dhaweynayo dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalka Kenya ku jira.
Wareysi uu sheegay Telefishinkan oo lagu magacaabo Citizen inuu Sheekh Axmed Madoobe la yeeshay ayuu ku sheegay inuu soo dhaweeyay uuna u yahay diyaar inuu soo dhaweynayo in deegaannada uu maamulo ee ay ka jirto nabadgalyada lagu celiyo qoxootiga.
“Innagu waan soo dhaweynaynaa dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya,” ayuu Sheekh Axmed Madoobe u sheegay telefishinka isagoo intaa sku daray inuu doonayo inuu dhawaan booqdo xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya ku nool.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi heshiis dhigaya in qoxootiga ku nool dalka Kenya ee Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda.
Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in dib u celintan ay tahay mid uu qofku isagu dooranayo, balse aysan ahayn mid si khasab ah lagu celinayo, iyadoo Sheekh Axmed Madoobe uu noqonayo hoggaamiyihii ugu horreeyay maamullada ka jira Soomaaliya oo ku dhawaaqay inuu soo dhaweynayo dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.
“Ruuxa qoxootiga ah isaga ayaa dooranaya in dalkiisa lagu celiyo, markaas kaddib ayay hay’adda UNHCR waxay ka caawinaysaa agabkii uu dib ugu laaban lahaa, waana tallaabo aan aad u soo dhaweynayno,” ayay wasiiraddu ku sheegay shirar jaraa’id oo ay Nairobi iyo Muqdisho ku qabtay.
Kenya ayaa waxaa ku sugan in ka badan hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo kala ka mid ah ay ku jiraan xeryaha Dhadhaab oo ku yaalla gobolka Waqooyi-bari ee Kenya oo uu maro xadka ay Somalia iyo Kenya leeyihiin.
Hadalka Sheekh Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha Jubba ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli madaxda Kenya ay sheegeen in qoxootiga lagu celinayo deegaannada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ee ay ciidamadoodu labadii sano ee lasoo dhaafay ka saareen Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya