Axad, November 17, 2013 (HOL) — Xoogaggaa Al-shabaab ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa qabtay gaari qooqan ah oo ka yimid degmada Doolow oo uu saaran yahay Qamri.
Gaariga iyo raggii watay ayaa la geeyay degmada Diinsoor shalay gellinkii dambe lagu gubay gaariga iyo qamrigii saarnaa fagaare ku yaalla degmada Diinsoor, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan ee ku nool degmadaas.
Xoogagga Al-shabaab ayaa horay ugu gubay gaadiid waday jaad iyo qamri oo ka kala yimid dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxaana gaarigan la gubay uu ka mid noqonayaa gaadiidkii horay loo gubay.
Degmada Diinsoor iyo degmada Ufurow oo kawada tirsan gobolka Bay ayaa waxaa jooga ciidamada Al-shabaab, waxayna ka mid yihiin degmooyinka ay ka taliso Al-shabaab ee ku yaalla gobolka Bay.
Hiiraan Online, Baydhabo