Axad, November 17, 2013 (HOL) — Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku nool yihiin barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha ku yaalla magaalada Gaalkacyo, iyadoo roobab dhawaan ka da’ay degmadaas ay saameyn ku yeesheen dadkas.
Hay’adda HIRDA oo ka shaqeysa arrimaha gargaarka ayaa deeq kala gadisan ka qaybisay xeryo ku yaalla Gaalkacyo, gaar ahaana xerada ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee ALLA AAMIN, waxayna hay’addu sheegay in xerada ay kaga doorteen kuwo ku yaalla Gaalkacyo maadamaa ay tahay xerada ugu weyn ee degmada ku yaalla.
Deeqdan ayaa isgu jirta raashin, maro-kaneeco, bacda roobka laga galo iyo agabyo kale, waxaana loo qaybiyay agabkaan illaa 150-qoys oo barakacayaal ah.
Xerada ayaa xilligii ay gaartay hay’adda Hirda waxaa ka muuqday bur-bur xooggan iyadoona la arkayey qaar ka mid ah aqaladii ay dadkaasi ku noolaayeen oo bur bursan,maamulka xerada oo saxaafadda la hadlay markii ay deeqdan gaartay ayaa si weyn uga mahad-celiyey agabyada kala gadisan ee la soo garsiiyey.
Guddoomiyaha xerada Alla Aamin oo lagu magacaabo Guuleed ayaa sheegay in xilligii ku habboonaa ay soo gaartay deeqdan, wuxuuna hay’adda HIRDA uga mahadceliyay deeqdan ay soo gaarsiisay, isagoo xusay in xaaladda ay ku sugan tahay xeradu ay tahay mid aad u liidata.
“Hay’adda waxaan uga mahad-celinaynaa sida wanaagsan ee ay deeqdan noosoo garsiisay, waxaana maanta nasoo gaartay deeq isugu jirtay raashin, maro kaneeco iyo bacda roobka, waxaana noo keenay maamulka hay’adda annaguna waxaan agabkan u qeybinay illaa 150-qoys oo ka mid ah dadka xerada ku nool, waxaana HIRDA ka dalbanaynaain aysan joojin garab-istaagga walaalahood dhibaateysan wali xerada dhibaato ayaa ka jirta qashiin baa yaalla, biyana wey dhooban yihiin dhaqaalo aan isaga qadnana ma hayno,” ayuu yiri Guleed.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay C/qani Khaliif Carrabeey oo ah madaxa hay’adda HIRDA ee gobolka Mudug, isagoo sheegay in deeqdani ay tahay mid deg-deg ah oo ay ugu talo-galeen inay kusoo celiyaan nolosha dadka ay saameeyey roobabka, waxaana u sheegaynaa dadka xeradan ku nool inaan mar walba garab-taagannahay oo aan caawin doonan maadamaa aan ka shaqeynno caawinta barakacayaasha.
“Waxaan ugu talo-galnay deeqdan inaan ku caawinno dadka walaalaheen ah ee ku nool xerada, waana mid deg-deg ah oo aan kusoo celinayno nolasha dadka xiligan dhibaateysan, mar walba waxaan ku dadaalaynaa sidii an u gacan-qaban lahayn walaalaheen dhibaateysan,” ayuu yiri C/qani Khaliif.
Ma ahan markii ugu horreysay ee ay hay’adda HIRDA, deeq gaarsiiso dadka ku tabaaleysan xeryaha dadka soo barakacay ee ku yaalla Gaalkacyo, balse waxaa jirta in marar hore sidan oo kale ay u garsiisay deeq la mid ah mida ay maanta garsiisay.
Hiiraan Online, Gaalkacyo