6/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay


Sabti, 8da September 2012(HOL): Waxaa magaalada Katrineholm ee dalka Sweden lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashada hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxnimada Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo ay munaasabadda ahayd mid si weyn loo soo agaasimay.

Dad aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo Sweden ka tirsan iyo dalal Sweden la deris ah ayaa munaasabadda si weyn u soo camiray, kuwaasi oo la dhacsanaa guddoonka Baarlamaanka ee uu hormuudka u yahay Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo musharraxnimada Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Furitaankii munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Dr. Ismaaciil Booli-moog oo ka mid ah qabanqaabiyayaasha munaasabadda, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay munaasabadda iyo sababtii ay u qabteen.

Wuxuu sheegay  in munaasabadda ay ku saabsan  tahay labo arrimood oo kala ah soo dhaweynta guddoonka baarlamaanka iyo taageerada musharraxnimada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed meel ay dunida ka joogaanba ay garanayaan qofkii wax u qabtay iyo qofkii aan waxba u qaban ee dhibaatada ku soo kordhiyay.


Intaas kaddib wuxuu talo siiyay Umadda Soomaaliyeed oo uu kula taliyay in aysan dib ugu noqon dhibaatadii ay soo mareen iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kula taliyay in ay ku mintidaan in ay naga daadan waxa wanaagsan oo ay soo qabatay dowladdii madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif, ayna soo doortaan hoggaamiye sax ah.

Sidoo kale waxaa munaasabadda qadka taleefoonka uga soo qeybgalay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna u mahadceliyay dadkii isugu yimid in ay taageeraan musharraxnimadiisa, wuxuuna sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in mar kale loo doorto xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale qadka soo galay, isla markaana la hadlay dadkii munaasabadda isugu yimid, wuxuuna uga mahadceliyay taageerada ay muujiyeen, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed meel ay caalamka ka joogaanba ay u dabaal degayaan isbedellada ka dhacaya dalka Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray.


Guddoomiye Jawaari  waxaa uu intaas ku daray in ay Allaah ka baryayaan in uu ku guuleeyo xilka cusub ee loo doortay, wuxuuna xusay in isbedellada weyn ee dalka dhacay ay ka mid yihiin in baarlamaan la soo xulay, guddoonkiisii dalka lagu doortay, 25 musharrax la soo xulay, 10-ka bishana la dooran doona madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Intii ay munaasabadda socotay ayaa waxaa qadka taleefoonka uga qeybgalay Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo bogaadisay dadka Soomaaliyeed ee isugu yimid taageerada guddoonka Baarlamaanka iyo musharraxnimada Madaxweyne  Shariif.

Dad aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyin ka tirsan dalka Sweden ayaa munaasabadda ka hadlay, waxayna dhammaantood ka sinnaayeen u hambalyeynta guddoonka baarlamaanka iyo taageeridda musharraxnimada Shariif Shiikh Axmed.

Ugu dambeyntiina, Munaasabaddan ayaa ku soo beegantay iyadoo maalin kaliya ay ka harsan  tahay maalinta loo ballansan yahay in codbixin lagu kala saaro  25 musharrax oo isu soo taagay  tartanka madaxweynenimada Soomaaliya.
















Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/8/2012 4:35 PM EST
Saturday, Sabti, September 08, 2012 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogleh oo loogu jiro doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.

9/8/2012 9:56 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Wasiirka wafaafinta Itoobiya ahna afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegtay inay wadahadallo nabadeed la yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.

9/8/2012 9:33 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah ku sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadkan, waxayna ku hanjabeen haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.

9/8/2012 8:55 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhismaha maamul gobolleed ay ku baaqeen mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca kadib kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay ku lahaayeen gobollka Galguduud.

9/8/2012 8:32 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta mar kale ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir howlgallo lagu soo qabqabtay in ka 166-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa dhallinyaro.

9/8/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.

9/8/2012 7:16 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho kaddib xanuun oo maalmahaan u jiifay, waxaana isla maanta lagu aasay Muqdisho.

9/8/2012 6:36 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Iska-horimaad socday saacado ayaa xalay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/8/2012 4:23 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.

9/8/2012 3:58 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay 150 walxo qarxo ah iyo qalabkii lagu qarxinayay ay ka heleen guri ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay oo Jimco ahayd.

9/8/2012 3:40 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay 15-kii murashax ee haray ay barnaamijkooda siyaasadeed ka horjeediyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay ay 10-murashax barnaamijkooda jeediyeen.