Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhismaha maamul goboleed ay ku baaqeen mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljameeca inay sameyn doonaan, kaddib kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay ku lahaayeen gobolka Galguduud.
Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL ayaa siweyn u weeraray qorshaha Ahlu Sunna ee la xiriira dhismaha maamul gobolleed ay ku mideysan yihiin gobollada Galguduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe.
"Annaga marka hore maamul Ahlu Sunna lagu magacaabo aan aqoonsanahay ma jiro, warka ku saabsan maamul gobolleedka waxaan u aragnaa in uu ka soo baxay shaqsiyaad doonaya in ay abuuraan khilaaf siyaasadeed, dano gaar ahna ka leh kulmada ka socda gobollka Galguduud," ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan.
Afhayeenka gobollka Hiiraan waxaa uu sheegay in mar walba sida uu hadalka u dhigay ay ixtiraamayaan bulshada ku dhaqan gobollka Galguduud, laakiin qorshahan ka faa'ideysanayaan shaqsiyaad doonaya sida uu hadalka u dhigay in ay colaad ka dhax abuuraan bulshada ku wada dhaqan bartamaha Soomaaliya.
"Dadkan colaad waa ay ka soo daaleen, ma’aha in dib loogu celiyo, gobollka Hiiraan iyo Galguduud waa labo gobol oo kala madaxbanaan, Soohdimaha labada gobol waa kuwo la og-yahay oo kala cad, ma fahmi karno sabab keeni karta in gobollada Galguduud iyo Hiiraan loo sameeyo hal maamul, waxaan oran karnaa arintan waa qorshe ay shaqsiyaad gaar ah ku doonayaan in ay colaad uga abuuraan gobollada dhexe," ayuu yiri Max’uud Nuur Caga-joof.
Warka ka soo baxay maamulka gobollka ayaa ku soo beegmay xili mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollka Galguduud ku dhawaaqeen in ay wadaan qorshe ay hal maamul ugu sameynayaan gobollada Galguduud, Hiiraan, iyo Sh/dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
More News
- Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
- Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
- Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
- Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
- Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
- Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
- Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
- Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
- Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed