![]() |
Sheekha iyo culumadii ay ka mid ahaayeen majmaca ayaa waxay si aad ah uga soo horjeedeen dastuurkii la ansixiyay iyagoo ku tilmaami jiray inuu ka mid yahay mid kasoo horjeeda diinta Islaamka, loona baahan yahay in laga saaro qodobbo dhowr ah oo ay dhaliileen.
Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa culummadii kasoo horjeeday Xarakada Al-shabaab oo doonaysay inay xukunka ka tuurto dowlada uu horkacayay Shariif Sh. Axmed, taasoo ku timid heshiis ay Qaramada Midoobay ka shaqeysay oo dhexmaray dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf iyo Isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya.
Xilliyadii ugu dambeeyay Sheekh Dhicisoow wuxuu u ololeynayay in Muqdisho lagu qabto mudaahaaraad looga soo horjeedo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inuu doonayo inuu u dhiso Soomaaliya dowlad aan awood badan lahayn.
Marxuumku wuxuu sidoo kale ka mid ahaa hay'adda culummada Soomaaliyeed oo ka hadasha xaaladda dalka, isla markaana ku boorrisa dowladda inay diinta islaamka ku maasho dalka. Sheekh Dhicisoow wuxuu dhintay da'da toddobaatameeyada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
