Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.
Jen. Maxamed Maxamuud Saneey oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen xoogagga Al-shabaab, isagoo xusay inay halkaas isaga carareen markii ay ku dhaqaaqeen.
"Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo ay ka talin jireen kooxihii nabadda kasoo horjeeday," ayuu yiri Jen. Maxamed Saney.
Degmada Warsheekh oo Muqdisho dhinaca bari ee xeebta badweynta Hindiya kaga beegan qiyaastii 60-km ayaa la sheegay in xalaadeedu daggan tahay, iyadoo ciidamadu ay degmadaas iyo hareeraheeda ka billaabeen baaritaanno.
Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan qabsashada degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe, sidoo kalena ciidamada AMISOM kama aysan hadlin qabsashadan, waxaase ay sheegeen toddobaadkii hore inay la wareegeen gacanta ku hanta dekedda Ceelmacaan oo ay sheegeen in Al-shabaab ay kala soo degi jirtay hub.
Degmadan ayaa waxay noqonaysaa tii saddexaad oo ku taalla gobolka Shabeellada dhexe oo ay la wareegaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee caawinaya, iyadoo saraakiisha dowladda ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin degmada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada dhexe.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
More News
- Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
- Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
- Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
- Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
- Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
- Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
- Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
- Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
- Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed