Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Wasiirka wafaafinta Itoobiya ahna afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegtay inay wadahadallo nabadeed la yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.
Afhayeenku wuxuu sheegay in wadahadallada ay ka dhaceen magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya, sidoo kale ONLF ay ku sheegtay shabakad wararka u baahisa in wadahadallo ay la yeelatay saraakiiil ka socday xukuumadda Addis Ababa.
"Waa tallaabo wanaagsan horay loo qaaday... waxaana raacaynaa qodobbadii lagu gaaray heshiiska k illaa laga gaarayo dhammaadka wadahadallada. Waxaana labada ay raaci doonaan qaanuunno ay ku heshiiyeen," ayuu yiri Simon oo suxufiyiinta kula hadlayay maanta magaalada Addis Ababa.
Wadahadalladan ayaa waxay soo afjarayaan dagaallo 28-sano u dhexeeya Itoobiya iyo jabhadda ONLF, kuwaasoo ay ku dhinteen kumannaan qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Jabhadda ONLF ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1984-kii waxaana tan iyo xilligaas ay dagaallo kula jirtay xukuumadihii isaga dambeeyay Itoobiya. Bishii Abriil sannadkii 2007 ayay xoogagga ONLF weerareen goob ay shirkad Shiinaha laga leeyahay ka baaraysay shidaal, halkaasoo ay ku dileen 76 ruux oo sagaal ka mid ah Shiineys ahaayeen iyo 65 ka mid ah ciidamada Itoobiya.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee ONLF Cabdiraxmaan Mahdi ayaa sheegay in dhowr jeer ay heshiis kula galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Siraj Fergasa wadahadallo ay fududeynaysay xukuumadda Kenya.
Afhayeenka Itoobiya, wuxuu sheegay in wadahadalladan billowday ay dhabaha u xaarayaan nabad ka dhalata Itoobiya oo dhan, isagoo sheegay in wadahadalladan ay sii socon doonaan illaa dhammaadka laga gaarayo.
Garab ka mid ah ONLF ayay xukuumadda Itoobiya heshiis nabadeed la gashay bishii Oktoobar ee sannadkii 2010, kuwaasoo garabka hadallada wadahadallada la furay Itoobiya ay si adag uga soo horjeesteen.
Wadahadalladan u furmay xukuumadda Itoobiya iyo jabahadda ONLF ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore la aasay ra'iisul wasaarihii Itoobiya soo xukumayay laabtankii sano ee ugu dambeysay, kaasoo dagaal daga kula jirtay ONLF iyo jabahadaha kale ee ka jira dalka Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
More News
- Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
- Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
- Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
- Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
- Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
- Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
- Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
- Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
- Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed