4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib

Saturday, Sabti, September 08, 2012 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogleh oo loogu jiro doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.

Soomaaliya oo doorasho xor ah oo ka dhacda ay ugu dambaysay sanadkii 1968-kii, xilligaas oo la doortay madaxweynihii labaad ee dalka C/Rashid Cali Sharmaarke, iyadoo sannad kadibna ay dalka la wareegtay dawladii milatariga ayaa waxaa ay galaysaa marxalad cusub oo rajo ku abuurtay Soomaalida.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa kuu sheegaya inay aad ula dhacsanyihiin isbadallada xooga leh ee dalka ka soconaya.

Inkastoo madaxweynaha ay dooran doonaan oo kaliya xildhibaanada baarlamaanka, hadana musharixiintu waxay ku mashquulsanyihiin inay ola’olahooda ka gadaan shacabka, iyagoo adeegsanaya gaariyaal wareegaya oo lagu xiray sameecado waawayn oo laga daarayo heeso wadani ah.

Wadooyinka ayaa lagu soo dhajiyay sawirrada musharaxiinta, iyadoo ay soconayaan kulamo gaargaar ah oo musharraxiintu ay la yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka.

Musharrixiinta oo waxqabadkooda ka hor akhriyay baarlamaanka ayaa mid waliba uu sheegay inuu yahay ninka ku haboon inuu Soomaaliya ka gudbiyo marxalada adag ee sugaysa.

Doorashadan oo lagu tilmaamay mid taariikhi ayaa waxaan u taagan 25 musharax, oo isagu jira siyaasiyiin caan ah iyo kuwo haatan doonaya inay masraxa soo fuulaan.

1.     Axmed Ismaaciil Samatar

2.     Bashiir Nuur Xasan (Bidaar)

3.     C/llaahi Axmed Caddow

4.     C/qaadir Cosoble Cali

5.     C/raxmaan C/shakuur Warsame

6.     C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow

7.     C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

8.     C/waaxid Cilmi Goonjeex

9.     C/weli Maxamed Cali Gaas

10.  Cismaan Maxamed Gacal

11.  Cumar Salaad Cilmi

12.  Ibraahim Cali Xuseen

13.  Maslax Maxamed Siyaad Barre

14.  Maxamed Axmed Saalax

15.  Maxamed C/llaahi Farmaajo

16.  Maxamed C/llaahi Oomaar

17.  Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf

18.  Saciid Ciise Maxamuud

19.  Salaad Cali Jeelle

20.  Shariif Shiikh Axmed

21.  Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin

22.  Xasan Sheekh Maxamuud

23.  Xuseen Khaliif Jaamac

24.  Yuusuf Garaad Cumar

25.   Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Hiiraan Online ayaa si toos ah uga daawan doontaan qaabka ay u socoto doorashada madaxtinimada ee dalka maalinta isniinta ah.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya