6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2012
Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta mar kale ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir howlgallo lagu soo qabqabtay in ka 166-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa dhallinyaro.

Taliyaha booliiska bartamaha Xamar, Col. Garaad Nuur Cabdulle oo saxaafadda la hadlay markii ay howlgallada lasoo gabgabeeyay ayaa sheegay in howgalladan ay ahaayeen kuwo lagu sugayay ammaanka.

"Howgallo xalay illaa saakay laga samenayay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabqabtay 166-qof, baaritaanno lagu sameeyay kaddib waxaa kasoo dhex-baxay 22-qof oo looga shakisan yahay inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin, 114-kii qof ee kalena waa lasii daayay," ayuu yiri Col. Garaad.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in bartilmaameedyo gaar ah ay beegsanayeen oo inta badan dadka ay kasoo qabqabteen, isagoo sheegay inaysan arag wax hub ah oo laug haysto degmada.

Maalintii khamiista ahayd ee lasoo dhaafay ayaa baaritaanno boqolaal dhallinyaro ah lagu soo qabqabtay laga sameeyay isla degmada Xamar-jajab oo aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta golaha shacabka oo ay ka socdaan kulamo ay murashaxiinta madaxweynaha kusoo bandhigayaan barnaamijyadooda siyaasadeed.

Ugu dambeyn, maamulka degmada Xamarjajab ayaa ka dalbaday shacabka ku nool degmadaas inay gacan ka siiyaan sidii ammaanka loo adkeyn lahaa, waxayna howlgalladan kusoo beegmayaa xilli la isku diyaarinayo doorashada madaxnimo ee dalka oo dhici doona Isniinta soo socota.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/8/2012 7:14 PM EST
Sabti, 8-da September 2012(HOL): Waxaa magaalada Katrineholm ee dalka Sweden lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashada hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxnimada Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo ay munaasabadda ahayd mid si weyn loo soo agaasimay.

9/8/2012 4:35 PM EST
Saturday, Sabti, September 08, 2012 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogleh oo loogu jiro doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.

9/8/2012 9:56 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Wasiirka wafaafinta Itoobiya ahna afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegtay inay wadahadallo nabadeed la yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.

9/8/2012 9:33 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah ku sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadkan, waxayna ku hanjabeen haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.

9/8/2012 8:55 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhismaha maamul gobolleed ay ku baaqeen mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca kadib kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay ku lahaayeen gobollka Galguduud.

9/8/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.

9/8/2012 7:16 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho kaddib xanuun oo maalmahaan u jiifay, waxaana isla maanta lagu aasay Muqdisho.

9/8/2012 6:36 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Iska-horimaad socday saacado ayaa xalay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/8/2012 4:23 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.

9/8/2012 3:58 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay 150 walxo qarxo ah iyo qalabkii lagu qarxinayay ay ka heleen guri ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay oo Jimco ahayd.

9/8/2012 3:40 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay 15-kii murashax ee haray ay barnaamijkooda siyaasadeed ka horjeediyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay ay 10-murashax barnaamijkooda jeediyeen.