4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Kooxo hubeysan oo Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley
Sabti, July 07, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha ee dowladda KMG ah ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay oo laba qof ahaa ay askariga toogteen isagoo ku mashquulsan qaadista canshuur goobaha ganacsiga ee xaafaddaas laga qaadayay.

"Askariga la dilay wuxuu ku mashquulsanaa qaadis canshuur, waxaana si lama filaan ah u toogtay laba wiil oo bastooladu ku hubeysnaa wayna baxsadeen," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in askariga la dilay ay ilaalinayeen laba askari oo kale, kuwaasoo markii ay rasaasta maqleen baxsaday, inkastoo ay mar dambe dib ugu soo laabteen goobta.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka ahayd dilkaas oo dhacay baqonimadii maanta iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn in kooxaha geystay ay Al-shabaab ka tisranaayeen iyo in kale.

Dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreysay oo Muqdihso loogu geysto askari canshuur ururinaya tan iyo markii ay dowladda KMG ah oo kaashanaya AMSIOM ay Al-shabaab kala wareegeen gacan ku haynta degmooyinka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda KMG ah ayaan ka hadlin dilkan, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay muddo tododbaad ku dhow ka socdaan Muqdisho howgallo lagu sugayo ammaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya