4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddidda la dagaanka cudurka HIV/AIDS Somaliland, ayaa sheegay in sanadkan hoos u dhac ku yimid fiditaankii cudurkaasi marka loo eego heerkiii uu sanadkii hore marayey.

Gudoomiyaha komishanka La dagaanka HIV/AIDS  Mr:Maxamed Daahir Khayre, ayaa sheegay inay soo kordhiyaan dadka soo doonnaya dawooyinka loo qaato cudurkaasi, waxaanu sheegay inay dawooyinkii laga qaato xarumaha goboladda ay ku leeyihiin, kuwaas oo ay qaataan dad lagu qiyaasay kun qof .

 Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay xoogga saareen gaadhsiinta dawooyinka ay isticmaalaan dadka xanuunkan la deristay, waxaanu sheegay in hoos u dhac ku yimid fidida cudurka qiyaas ahaan 1.3%, taasina ay muujinayso dadaalka loogu jiro hakinta fiditaanka cudurkan, isla markaana ay soo kordhayan maalinba maalinta ka dambaysa dadka dawooyinkaasi soo doonanaya.

Dhinaca kale, guddidda Cisbitaalka guud ee magaladda Hargeysa, ayaa ka warbixiyey mishiinkii kalyaha sifeeya oo mudooyinkan u dambeeyey shaqaynayey, waxaanu sheegay in mishiinkaasi looga yimaado dalalka jaarka ah.

Agaasimaha cisbitaalka guud Dr: Axmed Cumar Askar ayaa sheegay in loo baahan yahay in mishiinkan hawsha badan haya loo helo taageero dhaqaale si kayd loogu dhigo maadaama oo dadka u baahani soo badanayaan, isla markaana hawlaha dadkaasi aanay u kala joogsan.

Agaasimuhu waxa uu xusay inay adag tahay sida looga helo mishiinkan dunida saddexaad, sidaa awgeed, loo baahan yahay horumarinta iyo hagaajinta mishiinkan kalyaha sifeeya, isla markaana aanu mishiinku ka maarmeen in loo helo kayd dhaqaale oo mustaqbalka u sii shaqeeyo.

Agaasimaha waxa uu bulshadda ka codsday inay taageeraan mishiinkan oo baahi aad u badan u qabaan dadka uu haleelay xanuunka kalyaha, nasiibna u helay in wadankoodda dhexdiisa hawlihii ay dibadd ugu bixi jireen ku helaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr:Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen Xoog), ayaa isna dadweynaha ku booriyey sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen daryeelka mishiinka kalyaha sifeeya, maadaama oo shaqo adag uu bulshadda u hayo, lacag badan oo dadku dibadda uga bixi jireenna u kaydiyey, sidaa darteed loo baahan yahay in laga fikiro sidii uu u sii shaqayn lahaa dadkuna u taageeri lahaayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in cisbitaalka mishiin loogu deeqay 2008-kii balse nasiib daro aanu mudadaasi shaqeyn balse sanadkan la kiciyey, iyadoo dawooyinka uu ku shaqeeyo iyo khuburadii ku shaqayn lahaydba ay dawladdu kharashkeedda bixiso, isagoo xusay in khuburaddu ay hadda tobobaraan dhalinyaro reer Somaliland ah oo kala wareegi lahaa ka shaqaysiinta mishiinkan.

Wasiirku waxa uu ummadda soomaaliyeed ka codsaday in mishiinkan la taageero, maadaama oo aanu cid gaar ah u adeegeen balse umadda soomaaliyeed iyo cid kasta oo u baahanba u adeegayo, isla markaana qof kastaba xaq u leeyahay inuu dawo hello, isagoo tilmaamay in dad badan oo danyar ah u yimaadaan, kuwaas oo bilaash loogu shaqeeyo, iyadoo dawooyinka uu mishiinku ku shaqeeyaana ay qaali yihiin, sidaa darteed loo baahan yahay in dadku ilaashadaan mishiinkoodda.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha guddida cisbitaalka Axmed Muxumed Madar oo sheegay in dadka kii wax haya wax yar laga qaado kii aan waxb hayna bilaash loogu shaqeeyo, balse dadka kale ee ilaahay wax siiyey ku sadaqaystaan sidii dadkaasi loo taakuleyn lahaa.

Mishiinkan kalyaha sifeeya ayaa hadda waxa shaqeeya waa laba mishiin, waxayna sheegeen in midna uu hadda dhexda ku soo jira, saddex kalana ay dawladdu dawladdu soo iibinayso, saddex kalana ay jaaliyadda ingiriiska degani ugu deeqday cisbitaalka oo ay usoo socdaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland