Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab sida ay labadan ruux u sheegeen warbaahinta.
Labadan ruux ee soo goostay ayaa lagu kala magacaabaa: Xasan Macallin Ibraahim oo ku magacdheeraa (Al-wajidi) oo sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca dacwada gobollada Bay iyo Bakool iyo Yalaxow Xasan Calasoow oo sheegay inuu ahaa askari muddo dheer ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab.
"Al-shabaab waxaa isaga soo bixiyay dhib la ii geystay, runtiina fikriyan waxaan u arkaan inay hadda qaldan yihiin, balse markii hore ee aan ka mid ahaa way ila sax-sanaayeen," ayuu yiri Xasan Macallin.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay xireen muddo sideed bilood ah iyadoo aan loo sheegin sababta loo xiray isla markaana aan la raalligelin, isagoo xusay inuu aad uga soo horjeedo in dadka loo dilo si aan xaq ahayn.
"Waxaan ka codsanayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay iga cafiyaan dambiyadii aan ka galay," ayuu yiri sarkaalkan, isagoo sheegay inuu ogaaday khaladka Al-shabaab markii uu dibadda uga soo baxay.
Hadalka sarkaalkan ayaa wuxuu muujinayaa inuu aad uga carooday xarigga ay u geystay Al-shabaab sida uu sheegay, isagoo ugu dambeyn sheegay inuu dowladda KMG ah la shaqeyn doono wixii maanta laga billaabo.
Tan iyo sannadkii hore hay'adda nabadsugidda DKMG ah waxay soo bandhigaysay rag ay sheegtay inay Al-shabaab kasoo goosteen, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin jirtaanka xubnaha la sheegay inay kasoo goosteen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
More News
- Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho
- Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
- Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta loo akhriyay Qodobbada Dastuurka Cusub
- Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoorayaal loogu talo-galay in ay ka howlgalaan Maxkamadda dalka
- Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee DKMG oo sheegay in Dastuurka aan lagu xusin Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
- Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
- Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay
- Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Baydhabo iyo ciidamada DKMG ah oo dad u Qabqabtay