Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ergada ansixinaysa dastuurka qaybo-qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah loo akhriyay dastuurka oo ka kooban 79-qodob, iyadoo lagu wado in berri ay ka doodaan qodobbada ay u arkaan inay yihiin kuwo ay khaladaad ku jiraan.
Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ergooyinka laga doonayo in fadhigooda berri ay kaga doodaan qodobbada dastuurka.
"Dastuurka oo dhan ayaa maanta ergooyinka loo akhriyay, iyagoo calaameystay qodobbada ay arkaan inuu madmadow ku jiro, berri ayayna ka doodi doonaa," ayuu yiri wasiirka dastuurka oo sheegay in ergadu ay xaq u leeyihiin inay sheegaan qodob kasta oo ay u arkaan inuu khalad ku jiro.
Ergooyinka ayaa waxay maanta soo saarayeen qodobbo dhowr ah oo ay u arkaan inay wax badan ka qaldan yihiin, iyadoo aanay ergada ansixinta dastuurka oo ka kooban 825-xubnood aysan xaq u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan qabyo-qoraalka dastuurka sida uu horay u sheegay madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Khaalid Cumar Cali oo ka mid guddiga fududeynta shirka ayaa sheegay in ergooyinku ay si wanaagsan howsha u wadaan, isagoo sheegay in lagu ansixin doono dastuurka qabyada ah xilligii loo qabtay ee sagaalka maalmood ah.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay dadaal ugu jirtaa inay howlaha horyaalla oo ay ka mid yihiin dastuurka iyo xulidda xildhibaannada cusub lagu soo dhameystiro ka hor 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan oo uu ku eg-yahay xilligeeda shaqo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta loo akhriyay Qodobbada Dastuurka Cusub
More News
- Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
- Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho
- Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
- Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoorayaal loogu talo-galay in ay ka howlgalaan Maxkamadda dalka
- Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee DKMG oo sheegay in Dastuurka aan lagu xusin Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
- Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
- Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay
- Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Baydhabo iyo ciidamada DKMG ah oo dad u Qabqabtay