![]() |
"Garsoorka waa meesha ay ummadi ka toosto, haddii uu xumaadana waa xumaataa, haddii uu toosana waa toostaa; sidaa daraadeed waxaana loo baahan yahay inaad dhaarta ilaalisaan oo aad si daacad ah howshiinna u gudataan," ayuu yiri wasiirka gasoorka oo goobta ka hadlay.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo sheegay in garsoorku uu yahay aasaaska muujinaysa nidaamka dowliga ah, wuxuuna kula dardaarmay garsoorayaasha inay howsha loo igmaday kasoo baxaan.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaguna hadal jeediyay dhaarinta kaddib ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dalka k dhacay ay ku yeesheen saameyn weyn garsoorka, balse ay nasiib-wanaag tahay in aasaaskiisa dib salka loogu dhigo.
"Waaxa loo baahan yahay inay idin hoggaamiyaan damiirkiinna, mas'uuliyadda dusha la idinka saaray iyo Soomaalinimadu, Allena uu idin waafajiyo xaqa iyo cadaaladda," ayuu yiri Sheekh Shariif oo hadal dardaaran u jeedinayay garsoorayaasha maanta la dhaariyay.
Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in baahiyaha dalka ka jira oo dhan aan mar qura la dabooli karin, balse ay dadaal ugu jiraan sidii loo dabooli lahaa intii mar walba suurogal noqota. Iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo 52-qof loo dhaariyo hay'adaha kala duwan ee garsoorka dalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
