Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo saddex ka mid ah ahaayeen ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qaraxyo shalay oo Jimco ahayd ka dhacay koontaroolka ku yaalla duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyadan oo ahaa kuwo is-xigay loo adeegsaday miinooyinka meelaha fog-fog laga hago, shanta qof ee dhintay laba ka mid ah rayid ahaayeen, iyadoo ay sidoo kale qaraxyadaas ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.
Qaraxyadan ayaa waxay ka dhaceen waddo isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee gobolka Bay, halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya, iyadoo weerarradan ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada DKMG ah ee ku sugan degmada Baydhabo ayaa waxay degmadaas ka sameeyeen baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen kuwaasoo lala xiriirinayo inay gacan ka geysteen qaraxyadaas.
Guddoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Biikole oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo la doonayay in waxyeello badan lagu geysto, balse la fashiliyay, isagoo sheegay inay afar askari kaga dhaawacmeen.
Dhanka kale, iska-horimaad u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ayaa shalay ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo 30-km dhinaca koonfur-galbeed kaga beegean degmada Baydhabo.
Iska-horimaadkan ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada DKMG ah, si dhab ahna looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas.
Weerarradan ayaa waxay imaanayaa iyadoo xabsiga Baydhabo ay ku jiraan saraakiishii booliiska gobolka iyo kan degmada ugu sarreeya oo ciidamada Itoobiya ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka yihiin falal ammaan-darro oo ka dhacay Baydhabo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Baydhabo iyo ciidamada DKMG ah oo dad u Qabqabtay
More News
- Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
- Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho
- Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
- Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta loo akhriyay Qodobbada Dastuurka Cusub
- Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoorayaal loogu talo-galay in ay ka howlgalaan Maxkamadda dalka
- Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee DKMG oo sheegay in Dastuurka aan lagu xusin Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
- Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
- Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay