Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu dhaarinayay garsoorayaal ayaa sheegay in dastuurka qaybo-qoraalka aysan ku caddeyn xuquuqda garsoorka Soomaaliya.
Mudane Caydiid Ilko-xanaf ayaa sheegay in garsoorayaasha Soomaaliyeed ay laba dhibaato haysato, kuwaasoo kala ah ammaan xumo iyo dhaqaale xumo, wuxuuna ka dalbaday madaxweynaha inuu u ogolaado isaga iyo xeer ilaaliyaha Qaranka inay hor-tagaan guddiga ansixinta ayna u sharraxaan waxyaabaha garsoorka looga baahan yahay.
"Innagoo ah guddiga garsoorka dalka waaxanu akhrinnay dastuurka qabyo-qoraalka ah kamana muuqato qaybtii uu garsoorku ku lahaa. Xeer-ilaaliyaha guud shaqadiisa si cad looguma qeexin," ayuu yiri Caydiid Ilko-xanaf.
Sidoo kale, guddoomiyaha maxkmadda sare, wuxuu sheegay maadaama garsoorkan uu yahay mid loogu talogalay inuu boqolaal sano jiro balse aanu ahayn mid muddo kooban jiraya, sidaa daraadeedna ay tahay in lagu xuso xuquuqda gasroorka dalka.
"Dhibaato ayuu garsoorku qabaa, laba ayaana ugu muhiimsan, kuwaasoo kala ah amni xumo iyo dhaqaale xumo. Waxaa Muqdisho lagu dilay 12-garsoore iyagoo fulinaya howlahooda. kuwo badanna waa lagu dhaawacay," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare wuxuu hadalkiisa kusoo xiray in mid ka mid ah askarta dowladda KMG ah uu maalin dhaweyd garaacay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, taasoo uu sheegay inay qayb ka thay dhibaatada lagu hayo dadka ka shaqeynaya garsoorka Soomaaliya.
Hadalka guddoomiyaha maxkamadda sare oo ahaa cabasho ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu Muqdisho ka socdo kulan lagu ansixinayo dastuurka qabyo-qoraalka ah ee Soomaaliya, kaasoo lagu wado in la ansixiyo toddobaadkan.
Cabashadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa cabsho ay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay kasoo jeedeen qodobbo dastuurka ka mid ah, iyadoo uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in wax ka bedelka dastuurka ay leeyihiin xidhibaannada cusub ee baarlamaanka soo socda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Maxkamdda Sare ee DKMG oo sheegay in Dastuurka aan lagu xusin Xuquuqaha Garsoorka Soomaaliya
More News
- Hay'adda Nabadsugidda DKMG ah oo Maanta soo Bandhigay Sarkaal iyo askari kasoo goostay Xarakada Al-shabaab
- Maxjarkii ugu weynaa ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo maanta laga furay deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho
- Guddiga la dagaalanka HIV/AIDS oo sheegay inuu hoos u dhacay fiditaankii Cudurka iyo Guddi ka Warbixiyay Mishiinka Kilyaha sifeeya
- Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo maanta loo akhriyay Qodobbada Dastuurka Cusub
- Munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu dhaariyay Garsoorayaal loogu talo-galay in ay ka howlgalaan Maxkamadda dalka
- Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Putland oo beesha caalamka ka dalbaday in lasoo celiyo dhallinyarada ka tahriibaya Soomaaliya
- Shirkii Ansixinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya oo Maanta dib u billlaabanaya kaddib hakad ku yimid shalay
- Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Baydhabo iyo ciidamada DKMG ah oo dad u Qabqabtay