4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 28, 2012
Dilal qorsheysan oo Siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Ufuroow, Baydhabo iyo Duleedka Magaalada Muqdisho
Sabti, July 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan iyo ciidamada DKMG ah ayaa siyaabo kala duwan saddex qof ugu dilay maanta degmooyinka Ufuroow iyo Baydhabo oo ka tirsan gobolka Ba iyo duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Lafoole.

Dilalkan ayaa waxay ahaayeen kuwo qorsheysan, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo ku sugan deegaanka Lafoole ay toogasho ku dileen injineer magciisa lagu soo koobay Xalane, kaasoo la sheegay inay ku dhex toogteen gaari uu watay.

"Gaariga uu watay injineerka oo uu la socday qof kale ayay ciidamadu joojiyeen, muran kaddibna waxay toogteen injineerka, ninkii la socdayna cagihiisa ayuu kaga baxsaday," ayay yiraahdeen goobjoogayaal ku sugan barta uu dilku ka dhacay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay ciidamada dowladdu u dileen injineerka oo ka soo baxay degmada Afgooye isagoo kusoo jeeday magaalada Muqdisho, waxaase warar hoose ay sheegayaan in ciidamadu ay weydiisteen lacag baad ah taasna la isku af-dhaafay.

Sidoo kale, kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay degmada Ufuroow ee gobolka Bay sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay Abuu-Salma ahaana madaxa dacwada ee deegaankaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday, iyadoo la sheegay in xoogagga Al-shabaab ay sameeyeen baaritaanno aan la ogeyn cidda ay kusoo qabteen, waxaana dilku uu ka dhacay masaajid uu sarkaalkan kusoo tukaday salaaddii subax.

Dhanka kale, askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa isanaga lagu dilay saakay suuqa degmada Baydhabo, waxaana dilkiisa geystay koox bastoolado ku hubeysan oo markiibta goobta ka baxsaday.

Maamulka iyo saraakiisha DKMG ah ee ku sugan Baydhabo ayaan weli ka hadlin dilka askariga loo geystay, iyadoo falkan uu qayb ka noqonayo falal dhowr ah oo xilliyadii ugu dambeysay ka dhacayay gudaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya