![]() |
"Diiwaan-gelinta waxaa nagala qaybqaatay shacabka ku noo degmooyinkaas iyo maamullada ka jira, waana uga mahadcelinaynaa howshaas ay nala fududeeyeen," ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo aan sheegin xilliga la billaabayo howsha tirakoob ee degmooyinka kale.
Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka kooban yahay 16 degmo, inkastoo maamulka uu dhawaan sheegay inay ku kordhiyeen degmo kale oo cusub taas oo lagu magacaabo Kaxda horayna uga tirsanayd degmada Dharkeynley oo dhinaca koonfureed ee caasimadda ku taalla.
Maamulka ayaa sheegay in degmooyinka laga sameeyay tirakoobka ay kala yihiin: degmada Waaberi, Xamarweyne, Xamarjajab, Shiibis iyo Cabdulcasiis, dhawaanna la billaabi doono degmooyinka kale ee haray, inkastoo aan la ogeyn in la qaybin doono iyo in dhammaantood mar qura laga billaabi doono tirakoobka.
Tallaabadan lagu tirakoobayo shacabka ku nool Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo caasimadda laga sameeyo tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaailya sannadkii 1991-kii iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay Muqdisho ka jireen colaado kala duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
