Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.
Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iyagu mas'uul ka yihiin dilka sarkaalkaas, uuna qayb ka yahay weerarro dhowr ah oo ay ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda.
"Illaahay ayaa noo suurogeliyay inaan dilno sarkaalka, waxaana ku dilnay weerar ay mujaahidiintu dhigeen inta u dhexeysa Afgooye iyo Marko," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo intaas ku daray: "Waan dagaalamaymaa inta aan ka adkaanayno gaalada iyo inta raacsan, waxaana la ogaaday in gaalo aysan adkeysan karin wax ka badan 10-sano, waxaana noo qorsheysan inaan mudaddaas la dagaalanno."
Sheekh Abuu-Muscab wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan weerarradan noocan oo kale ah ee ay la beegsanayaan saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ee ay dagaalka kula jiraan, wuxuuna xusay inay xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada caawinaya.
Dhanka kale, wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soom aaliya ayaa iyaduna ka hadashay dilka Jen. Goordan, iyadoo warbixin lasoo saaray lagu sheegay in baaris lagu sameyn doono qaabka uu dilkiisa ku dhacay loona saaray guddi gsaar ah oo baara.
Sarkaalkan ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, waxaana dilkiisa uu imaanayaa xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya ay isku dayayaan inay qabsadaan deegaanno hor leh oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Weerar gaadmo ah lagu dilay
More News
- Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta si diiran magaalada Boosaaso loogu soo dhoweeyey (SAWIRO)
- Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo gubey lacago badan oo been abuur ah
- Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaraxyo Aargudasho ah ka geysan doono Gudaha Dalka Kenya
- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay soo gabgabeeyeen Tirakoobka Dadka ku nool Shan degmo oo Muqdisho ka tirsan
- Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale
- Hayadda HARO oo soo Gabagabeysay Barnaamij Hilbo qeybin ah oo ku Aaddan Ciidda oo ay ka fulirsay Muqdisho
- Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan Safarrada ay ku aadaan Nairobi
- PROF. JAWAARI: "Howlaha ugu badan ee baarlamaanku qabanayo afarta sano ee soo socota waa la xisaabtanka Xukuumadda"
- Madaxweynaha Puntland oo ka hadalay dagaallada Al-shabaab lagula jiro, sheegayna inay wafdi u dirayaan Kismaayo
- Wariye Toddobaadkii hore lagu dhaawacay Muqdisho oo xalay Isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray
- Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka digay in la yareeyo tirada Golaha Wasiirrada xukuumadda ee lasoo dhisayo