Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.
C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in maamulkiisa uu isku diyaarinayo sidii uu uga hortegi lahaa xoogagga Al-shabaab ee deegaannadooda soo galaya, isagoo xusay inay ka adkaan doonaan.
"Al-shabaab markii looga adkaaday deegaannada ay ka talinayaan waxay billaabeen inay soo galaan deegaannada Puntland si ay dhibaatooyin uga abuuraan," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo sheegay inay ka hortagayaan khatartaas kusoo wajahan shacabka.
Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku sugnaa tan iyo sannadkii 2010 deegaanno ka tirsan Puntland, kuwaasoo dagaallo kula jiray dowladda, inkastoo dowladdu ay dhowr jeer oo hore sheegtay inay ka adkaatay ayaa haddana waxay u muuqdaan kuwo awood leh.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inay u dirayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose wafdi wax ka ogaada maamulka degmadaas loo sameynayo, isagoo ku baaqay in maamulka uu noqdo mid cadaalad ku saleysan.
Hadalka madaxweyne Faroole ee ku aaddan wafdiga ay u dirayaan Jubbooyinka ayaa imaanaya xilli uu muran weyni ka taagan yahay maamul u sameynta Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose taasoo ay ku muransan dowladda iyo ururka Raaskambooni.
Guddoomiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Madoobe oo isagoo ku sugan magaalada Kismaayo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in maamulka loo sameyn doono Jubbooyinka uu noqonayo mid ku saleysan qaab deegaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland oo ka hadalay dagaallada Al-shabaab lagula jiro, sheegayna inay wafdi u dirayaan Kismaayo
More News
- Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta si diiran magaalada Boosaaso loogu soo dhoweeyey (SAWIRO)
- Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo gubey lacago badan oo been abuur ah
- Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaraxyo Aargudasho ah ka geysan doono Gudaha Dalka Kenya
- Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay soo gabgabeeyeen Tirakoobka Dadka ku nool Shan degmo oo Muqdisho ka tirsan
- Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday guriga uu deggen yahay Guddoomiyaha Degmada Bardaale
- Hayadda HARO oo soo Gabagabeysay Barnaamij Hilbo qeybin ah oo ku Aaddan Ciidda oo ay ka fulirsay Muqdisho
- Danjiraha Somalia ee dalka Kenya oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaato kala kulmaan Safarrada ay ku aadaan Nairobi
- PROF. JAWAARI: "Howlaha ugu badan ee baarlamaanku qabanayo afarta sano ee soo socota waa la xisaabtanka Xukuumadda"
- Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ka hadlay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo Weerar gaadmo ah lagu dilay
- Wariye Toddobaadkii hore lagu dhaawacay Muqdisho oo xalay Isbitaalka Madiina ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray
- Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka digay in la yareeyo tirada Golaha Wasiirrada xukuumadda ee lasoo dhisayo