Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay, Dennis Clive ayay ciidamada dowalddu sheegeen in laga helay qalab kala duwan oo ay ka mid yihiin, xargo, midiyo, xanjooyinka lagu yareeyo sigaar cabista iyo qalab kale.
Mr. Clive oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu ugu socday Kismaayo sidii uu uga baran lahaa diinta Islaamka, isagoo xusay inuu muddo soddon sano ah uu haysto diinta Islaamka.
Su'aal ahayd inuu doonayay inuu Al-shabaab ku biiro ayuu ku qoslay isagoo sheegay in ujeeddadiisu aysan sidaas ahayn, balse uu doonayay inuu diinta ka barto oo keliya, isagoo sheegay inuu diinta Islaamka aad u jecel yahay.
Saraakiisha waaxda socdaalka DKMG ah ayaa sheegay in baasaboorka ninkan uu watay uu lambarkiisu ahaa: 3004545431, uuna ka yimid dalka Ingiriiska isagoo soo maray dalka Kenya, dabadeedna uga soo gudbay Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa horay ugu biiray dad ajnabi ah oo fara badan iyadoo dowladaha Mareykanka iyo Ingiriisku ay sheegeen in dad badan oo haysta dhalashooyinkooda ay ku biireen sannadihii lasoo dhaafay Al-shabaab oo gobollo badan oo Soomaaliya ah ka talinaysay, inkastoo hadda uu culeys milateri haysto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya