
Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.
Shirka ka dhacay Xaafadda Tjärna Ängar ee magaalada Borlänge ee dalka Sweden ayaa waxaa ka soo qeybgalay, taageerayaasha kooxda, waalidiin iyo kooxda Swedsom. Shirka ayaa wuxuu ahaa mid sanadkiiba mar la qabto.
Shirkan oo uu shir guddoominayay Mursal Ismaaciil Ciise oo ka tirsan Hay’adda ABF, isla markaana kooxda ka saacida dhinaca maamul-wanaagga iyo ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii kooxda u qabsoomay sanadkii la soo dhaafay ee 2011, iyadoo sidoo kalena laga wada hadlay waxyaabaha ay dooneyso in ay kooxda qabato sanadkan 2012.

Natiijooyinka la xusi karo ee shirka Kooxda Swesom ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in la doortay guddi cusub oo kooxda hoggaamin doona kaasi oo ka kooban 7 ruux waa marka lagu daro Guddoomiyaha Kooxda., iyadoo sidoo kalena dib loogu eegay miisaaniyaddii kooxda ee sanadkii 2011.
Guddoomiyaha Kooxda oo lagu magacaabo Xasan Cusmaan Cali ayaa markii seddexaad xilkan loo doortay, wuxuuna taasi ku muteystay sida shirka laga sheegay howl-karnimo dheeraad ah oo uu sameeyay muddadii uu xilka hayay.
Kooxda Swesom oo ka diiwaangashan dhammaan hay’adaha Ciyaaraha Kubadda Cagta ee dalka Sweden ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 2009, waxayna ka kooban tahay kooxda dadka waa weyn ah, koox da’ dhexaad ah iyo koox caruurta yar yar ah.

Waxaa xusid mudan in intii uu shirka socday uu gabayo dhiirigelin ah ka soo jeediyay Abwaan Ibraahim Dheere oo gabayadiisa ku iftiiminayay farqiga u dhaxeeya qofka wax bartay iyo qofka aanan waxba baran.
Si kastaba xubnaha guddiga ee shirka lagu doortay ayaa waxay kala yihiin:
Xasan Cusmaan Cali
Maxamed Cali
C/raxmaan Axmed
C/raxiin Axmed
C/fataax C/qaadir
Cusmaan Fariid
Ibraahim Muuse





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]