Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.
Mr. Bellingham ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu booqdo Muqdisho kaddib markii ay hal bil kasoo wareegatay shirkii London loogu qabtay Soomaalida, kaasoo uu soo qabanqaabiyay ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron.
"Dowladda Ingiriisku waxaa weli ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan ka siiso dhisidda nabadda iyo deggenaanshaha dalkooda. Sidaa daraaddeed aad bay muhiim u tahay inaan aragno inuu horumar sameynayo geeddi-socodka dastuurka, gaar ahaan golaha ta’siisiga ah ee Qaranka (The National Constituent Assembly), si markaa ay ku-meel-gaarnimadu u dhammaan karto bisha Agoosto" ayuu Bellingham yiri.
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: "Waxaan dhammaan saxiixayaasha Roadmap-ka ku dhiirri-gelinayaa inay gacmaha is-qabsadaan oo la shaqeeyaan bulshada rayidka ah iyo hoggaamiye-dhaqameedyada si loo hubiyo in goluhu uu noqdo mid intii suuragal ah matalaya dadka oo dhan."
Mr. Bellingham ayaa la kulmay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, danjire Augustine Mahiga, taliyaha ciidanka AMISOM Jen. Fred Mugisha, duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Nuur, wakiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda DKMG, Cabdinuur Sheekh Ibraahim Rooble iyo wakiillo ka socda ururrada haweenka. Waa Wasiirkii British (Ingiriis) ah ee ugu horreeyey ee booqda Muqdisho tan iyo markii la qabtay shirkii London.
Kulankii uu Bellingham la qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Mahiga ayaa waxay uga hadleen baahida deg-degga ah ee loo qabo in horumar laga sameeyo geeddi-socodka siyaasadda si loo hubiyo in lagu socdo heshiiska KMG-da looga baxayo bisha Ogoosto ee sannadkan, isagoo ballanqaaday in dowladda UK ay arrintaa gacan ka geysan doono.
Waxaa ay sidoo kale labada mas'uul kawada hadleen muhiimadda weyn ee ay leedahay in golaha ta’siisiga ee Qaranka (The National Constituent Assembly) uu sida ugu weyn ee suurogalka ah uu u ahaado mid ay u dhan yihiin oo matalayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. Kaddib markii ay kulan la qaateen Mr. Bellingham goor hore oo Axaddii ah wakiillo ka socdey ururrada haweenka Soomaaliyeed iyagoo wixii ay kawada hadleen ku sheegay inay yihiin arrimo fududeyn kara in la xalliyo in maamulka siyaasadeed dowladda soo socota ee xigta midda hadda jirta.
Mr. Bellingham wuxuu duqa Muqdisho ka dhegeystay horumarka laga sameynayo xasilinta magaalada iyo sida bulshada caalamku ay gacan uga geysan karto dadaallada socda. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in Ingiriiska ay ku bixinayso £1.5 milyan oo giniga Ingiriiska ah 12-ka bilood ee soo socota mashaariicda natiijooyinka deg0degga ah si loogu horumariyo nabadda Muqdisho.
Taliyaha AMISOM ayaa Mr. Bellingham warbixin kooban ka siiyay fasaxii uu qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey siiyay AMISOM iyo qorshayaashooda ku aaddan inay dibadda uga baxaan Muqdisho.
"Waxaa sidoo kale doonayaa inaan fursaddan uga faa’iideysto in ammaan u jeediyo ciidamada AMISOM ee weli naftooda ku bixinaya sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah. Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay Jen. Mugisha si aan ugala hadlo muhiimadda uu leeyahay qaraarka cusub golaha ammaanka kaasoo waajibinaya taageero dheeri ah oo la siiyo ciidamada AMISOM ee tiradooda la kordhiyay," ayuu yiri wasiirka arrimaha Afrika ee Britain.
Mr. Bellingham wuxuu sidoo kale dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo dalka Imaraadka ku dhintay 23-kii bishii Maarso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya