Hoggaanka Al-shabaab oo sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday Weerar ay ku mideysan yihiin Gaalada Dunida

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

Bayaankan ayaa waxaa saxaafada u akhriyay shalay oo Isniin ahayd afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo sheegay inuu kasoo baxay bayaankan kulan ay yeesheen oo looga hadlay arrimaha dalka uu ku sugan yahay hadda.

"Muslimiinta Soomaaliya waxaa lagu soo qaaday weerarro saliibi ah oo ay iska kaashanayaan dalalka masiixiyiinta ah, waana mid la doonayo in Soomaalida lagu duulleysto," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere. Isagoo intaas ku daray in duulaankan ay hoggaaminayaan Mareykanka, Yuhuuda iyo dalalka darirka la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu intaas ku daray in looga baahan yahay Soomaalida inay u midoobaan sidii duullaankaas looga hortagi lahaa, iyaguna aysan weligood ka tanaasulayn hadafkooda ah inay ka hortagaan duullaan walba oo lagu soo qaado.

"Hoggaanka guud ee Al-shabaab wuxuu u cadeynayaa muslimiinta inay waajib ku tahay inay difaacaan shareecada islaamka, sharaftooda iyo sharaftooda," ayaa lagu yiri bayaanka kasoo Al-Shabaab.

Bayaankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab shalay lagala wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud halkaasoo saldhig weyn u ahayd, waxaana sannadkan oo dhan saarnaa culeys milateri oo xooggan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya