Guddoomiyaha Ahlusunna oo sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay weeraraan deegaannada Ximan iyo Xeeb

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca Prof. Xirsmi Maxamed Hilowle (Laba-garre) oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda aysan u qorsheysnayn xilligan inay weeraraan deegaannada uu ka tilyo maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka tirsan gobolka Galguduud.

Prof. Laba-garre wuxuu sheegay in maamulka ka jira deegaannadaas uu yahay mid ay sameysteen dadka deegaanka, balse aanay beesha caalamku aqoonsayn, ayna iyagu diyaar u yihiin in haddii ay caawinaad uga baahdaan ay caawiyaan.

"Deegaannadaas waxaa ka jira maamul ay sameysteen dadka deegaanka, hadda qorshaha nooguma jirto inaan weerarno," ayuu yiri guddoomiyaha Ahlusunna oo la hadlayay warbaahinta.

Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna wuxuu sheegay inay u qorsheysan tahay iyagoo kaashanaya ciidamada Itoobiya inay la wareegaan deegaannada ay gobolka Galguduud kaga sugan tahay Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay inay durba billaabeen.

Afhayeenka Ahlusunna oo dhawaan isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu gacansaar la leeyahay Al-shabaab iyo burcad-badeedda sidaa daraadeedna ay ka go'an tahay inay weeraraan.

Mas'uuliyiinta Ximan iyo Xeeb oo hadalkan ka jawaabayay ayaa waxay sheegeen inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado deegaannada ay ka taliyaan, iyagoo uga digay ciidamada Itoobiya inay qayb ka noqdaan daandaansiga Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waaxda socdaalka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Salaaso ah inay ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho nin dhalashadiisu tahay British oo sheegay inuu u socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xukunno ka la duwan ku ridday eedeysanayaal lasoo taagay maxkamad ay ka furatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa soo abaabulay aqoon korodhsi hal maalin ah oo khabiiro muddo dheer warbaahinta Soomaalidda ka shaqayn jiray aqoontoodda ugu gudbin lahaayeen dhalinyarada ku jira Saxaafadda.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan Saraakiil hore dhac ah oo ka socta midowgga Africa gaar ahaan dalka Jabuuti, waxaana ku soo dhaweeyay magaalada mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo saraakiisha dowladda Itoobiya.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha afrika ee dalka Britain, Henry Bellingham ayaa Axaddii booqdey Muqdisho, kaddib markii ay hal bil kasoo wareegtay shirkii Soomaalida loo qabtay ee ka dhacay magaalada London.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Hogaanka Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dalalka gaalada ah ee dunida, iyagoo ugu baaqay muslimiinta caalamka inay ka qaybqaataan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Waxaa maalmahan Muqdisho ku sugnaa laba xubnood oo ka socda jaamacadda California, San Diego oo kala ah, Dr Nicholai Lidow oo bare ka ah jaamacadda iyo Cabdimaalik Cali Bucul oo ku jira diyaarinta dhammaadkii Masters in Education Sen Diego State University isagoo ka mid ah xubnihii aasaasay ururka dhallinyarada SYL ee San Diego, waxayna Muqdisho u yimaadeen in baaritaan ay ku sameeyaan arrimo fara badan.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan laga dareemayo deegaanada hoostaga degmada Afmadow, iyadoona dhaqdhaqaaqyadaasi ay u dhexeeyaan ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo afhayeenka baarlamaanka Somalia uu ka mid ahaa ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Talaado, March 27, 2012(HOL): Kooxda Kubadda Cagta Swesom ayaa dooratay hoggaan cusub, kaasi oo kooxda hoggaamin doona muddo sanad ah, marka laga reebo guddoomiyaha kooxda oo isagu xilka sii heyn doona sanad dheeraad ah.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Afar qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Baydhabo oo dhammaantood ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

Talaado, Maarso 27, 2012 (HOL) — Shirkii wadatashiga saxiixayaasha Soomaaliyeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay oo bishu ay ahayd 26-ka Maarso, 2012 lagu qabtay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Somali News

3/27/2012 1:54 PM EST
NASHVILLE, Tenn. (AP) — A federal judge has delayed the start of a trial for more than a dozen people accused in a sex trafficking ring run by Somali gangs that reached from Minnesota to Tennessee.

3/27/2012 10:46 AM EST
The European Union called on Tuesday for a credible government in Somalia after the mandate of the current transitional authority, accused of rampant corruption, expires in August.

3/27/2012 10:43 AM EST
Last week, the European Union agreed to expand its anti-piracy mission to include land-based targets in Somalia. SPIEGEL ONLINE has learned that air attacks up to two kilometers inland will be allowed. But an expansion of the mandate could face obstacles in Berlin, where opposition politicians warn that EU forces could get dragged into fighting on the ground.

3/27/2012 10:39 AM EST
Immigration officials in Mogadishu detained a British national for allegedly trying to join Alshabab.

3/27/2012 9:17 AM EST
UNHCR is concerned at a continuation in mortar attacks in Mogadishu, which claimed three more lives yesterday. Several mortars landed in the Beerta Darawiishta (Darwish) settlement for internally displaced people near the Somali Parliament building in the Waardhiigley district of the Somali capital at around 0215 on Monday morning.

3/27/2012 9:13 AM EST
President Kibaki has urged China to consider investing in the flagship projects earmarked for development under the LAPSSET project in Lamu.

23 migrants leave Malta -Times of Malta
3/27/2012 9:09 AM EST
Twenty three beneficiaries of international protection from Eritrea and Somalia left Malta yesterday to start a new life in the United States, Norway and Denmark.

3/27/2012 9:05 AM EST
Britain's national security policy in the Middle East is moving away from Pakistan and Afghanistan, Britain's national security advisor has said.

3/27/2012 3:24 AM EST
Kenya’s Minister of Foreign Affairs and Britain's Minister for Africa met Monday in Kenya’s capital for talks aimed at strengthening ties between the two countries. The meeting come in the wake of a recent British conference on Somalia, and the murder and kidnapping of British nationals in the region.

3/27/2012 3:22 AM EST
An Iranian bulk carrier of Brazilian sugar was hijacked in the eastern Indian Ocean early on Monday with 23 crew on board, international shipping monitors said.

3/27/2012 3:19 AM EST
This month, Turkish Airlines became the first major commercial carrier to fly directly to Somalia in more than 20 years. The move is the latest high profile step Turkey has taken to extend its economic and political influence on the African continent.

3/27/2012 3:16 AM EST
Parliament has expressed concern over the ministry of defense's monthly deductions from UPDF officers in Somalia.
Click here