10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 27, 2011
Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dadweyne kula hadlay duleedka Muqdisho (SAWIRRO IYO COD)


Khamiis, October 27, 2011(HOL): Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab  oo kala ah Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta dadweyne kula hadlay deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, iyagoo khudbooyinkoodana ku soo qaatay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya iyo waxa ay dalalka deriska iyo kuwa reer galbeedka ka doonayaan Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ugu horreyn hadalka jeediyay ayaa sheegay in Kenya ay damacsan tahay inn ay weerarro ku soo qaddo Soomaaliya gaar ahaan deegaanno ka tirsan Jubbooyinka, kaddibna ay xirto Dekedda Kismaayo, "haddii la xiro dekedda Kismaayo, annagana waxaa deked ka dhigan doonaan dalka Kenya oo aan ka heli doonaan wixii aan ka heli jirnay dekedda Kismaayo" ayuu yiri Abuu Mansuur.

Sheekh Abuu-mansuur ayaa hadalkan ka sheegay dibadbax ay soo qabanqaabisay Xarakada Al-shabaab oo maanta ka dhacay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo ay ka qaybgaleen dadweyne fara badan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

"Baryahaan Kenya waxaa kasoo yeeraysay inay xiri doonaan dekedda Kismaayo oo xitaa ay diyaaradahoodu duqeeyeen. Marka waxaan leennahay Insha Allaah - haddii sida aad sheegteen aad xirtaan dekedda Kismaayo oo aad qash-qashaaddaan, wixii aan ka heli jirnay idinka ayaan idinka soo qaadanaynaa si aan baryo ahayn," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur.

Sidoo kale, Sheekh Mukhtaar wuxuu sheegay inay Kenya iska dhicin doonaan oo na daaya ay dhammaatay, wuxuuna baaq u diray dagaalyahanno uu sheegay inay ku tababarteen gudaha Soomaaliya iyo dalalka ay ka taliso Al-Qaacida, isagoo xusay inaan loo baahnayn in bambo lagula dagaalamo Kenya ee jug culus oo xanuujisa la gaarsiiyo.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Abuu Mansuur

"Waxaan leennahay mujaahidiinta haddii dekeddaas Kismaayo la qash-qasho Kenya ayaa deked idiin ah, bankiyadeeda aada, martideeda aada, oo meelaha hantidu u taallo aada oo iyaga kasoo qaata wixii aad dekedda ka heli jirteen," ayuu hadalkiisa ku daray.

Sheekh Abuu-Mansuur wuxuu sidoo kale ugu yeeray dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee ku sugan dalalka dariska la ah Soomaaliya iyo caalamka oo dhan inay yimaadaan Soomaaliya oo uu sheegay inuu yaallo khayr iyo qaniimo fara badan.


"Walaalaha muslimiinta ee Kenya ku nool waa inay diyaar-garoobaan waayo waxaa yimid kaalintoodii," ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur oo sheegay in loo baahan yahay in lagu weeraro Kenya wax culus oo dhibaato gaarsiin kara isagoo ka digay in bam iyo wax la mid ah lagu weeraro.

Dhanka kale, dibadbaxa waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al-shabaab ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan dagaallada socda, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay guuleysan doonaan.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Shiikh Xasan Daahir

Intii uu dibadbaxu socday ayaa waxaa hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo dadku ay isugu urureen deegaanka calamada oo dibadbaxu uu ka dhacay, halkaasoo toddobaadkii hore lagu soo bandhigay maydadka askar AMISOM oo ka tirsan oo lagu dilay dagaal ka dhacay degmada Dayniile.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya