Ciidamada amaanka ee Kenya oo qarxiyay gaari laga shakiyay

Khamiis, October 27, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Booliska Kenya ayaa maalintii shalay ahayd qarxiyay gaari looga shakiyay inay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo looga tagay wadada hareerteeda.

Gaarigan ayaa ninkii watay uu dhigay wadada dhinaceeda ee xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Dad goob joogayaal ah ayaa booliska u sheegay in ninkii gaariga watay  uu ku yiri dadka deegaanka ‘ngojeni muone dunia ikiisha’   oo macnaheeedu yahay  “Suga aad aragteen dunida oo dhamaata”  , taasoo shaki ku dhalisay dadka goobtaasi ku sugnaa oo booliska soo wargaliyay.

Ciidamada ammaanka ayaan wali hubin in gaarigan ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, balse waxay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan arrintaasi.

Xirxiritaanka Soomaalida

boqolaal Soomaali ah ayaa habaynadii lasoo dhaafay laga qabqabtay xaafadda Eastleigh, kuwaasoo qaarkood maxkamad lasoo taagay, halka kuwo kalana xabsiyada lagu hayo.

Sidoo kalana booliska Kenya ayaa jidgooyooyin dhigay wadooyinka ka baxa xaafada Eastleigh(Islii)  ee aada xaafada kale ee Nairobi, iyadoo la baarayo baabuurta xabsiyadana loo taxaabayo dadka aan haysanin aqoonsiyada.

Inkastoo ay jiraan baaqyo ay soo saareen qaar kamid ah xildhibaanada gobolka waqooyi bari ee Kenya oo ay kaga codsadeen dawladda inaan la dhibaataynin Soomaalida ku dhaqan Kenya ayaa hadana ay sii socdaan hawlgallada ka dhanka ah qaxootiga oo iyaguba markii hore kasoo baracay dagaallada ka taagan Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inay sare u qaadayso amaanka dalkeeda tan iyo markii ay labo qarax oo is xigay ka dhaceen Nairobi, kuwaasoo uu ku dhintay hal qof oo Kenyaan ah halka 36 kalana ay ku dhaawacmeen.


Axmed Cabdisamad , Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya