Shirkan oo furmay 24-kii bishan ayaa lasoo xiray 26-keedii isla bishan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday gobollada dalka qaarkood sida gobollada Jubbada hoose iyo Gedo, waxaana looga hadlay wixii u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin hay’ada Somali CEWERU muddadii u dhaxeysay shirweynihii koowad iyo shirka labaad.
Ugu horreyn waxaa shirka warbixin kasoo jeediyay xiriiriyaha Somali CEWERU Cusmaan Muxyadiin Macallin oo ka warbixiyay howlihii lasoo qabtay muddadii u dhexeysey September 2010 illaa September 2011.
Mr. Cusmaan, wuxuu sheegay in mududaas lagu guuleystay in illaa sideed degmo oo ka tirsan gobalada Geddo iyo Jubbada hoose laga dhiso guddiyo nabadeed isla markaasna tababar dhinaca wada-shaqeynta ah la siiyo.
Wuxuu kaloo xusay in iyadoo ay jiraan caqabado dhinaca nabadgalyada ah haddana lagu guuleystay in la hirgeliyo howlahaas taasoo maanta soo jiidatay in hay’adaha deeqda bixiya ay balan-qaad u sameeyaan degmooyinkii laga dhisay guddiyada nabada, ballan-qaadkaas oo ah mid lagu hir-gelinaayo mashaariic lagu xoojinaayo nabada.
Cabdweli Cali Faarax oo ah madaxa Somali CEWERU, isla markaasna ah madaxa waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muddo dheer laga soo shaqeenayay sidii arrimahan lagu hirgelin lahaa shaqadaas juhdigii la geliyayna waxaa kasoo baxay horumar la taaban karo sida:
- Hay’adda CEWARN/IGAD qorshaheeda shanta sono ee soo socota waa inay ka howl-gasho Soomaliya ee aysan horay uga howl-gelin.
- In la sameyn doono u kuur-gelid goballada Geddo iyo Jubbada Hoose iyadoo sahan lagu sameyn doono waxyaabaha sababa qilaafadka ka jira gobaladaas.
- 3. Sixitaan lagu sameeyey warbixinada hay’ada CEWARN/IGAD ay ka qortay Somalia kuwaasoo qaladaad badan lahaa. Dhismaha guddiyo nabadeed degmooyinka Balad-Xaawo, Ceel-waaq, Doolow, Luuq, Geriley, Afmadow, Badhaadhe iyo Xagar.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay wasiiro dowlaha arimaha dibadda xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in arrimaha xalinta qilaafaadka xuduudaha ay tahay mid aad muhiim u ah loona baahan yahay in qaab dhismeedka hay’adaha nabada ee halkaas ka jira lasoo gaarsiiyo dalka intiisa kale.
"Waxaan ku faraxsan-nahay inaan maanta idin kala qayb-galo shirka isla markaasna aan idin furo, waxaana soo dhaweenaynaa guddiyada nabada ee ka yimid goballada Geddo iyo Jubbada hoose.
Xubnihii shirka ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda dib u hishiisiinta iyo dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil, wuxuuna ka qayb-galayaasha u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko howl noocan ah, isagoo xusay in wasaaraddiisa ay ku fikiraysay sidii degmo kasta ee dalka loogu hirgelin lahaa guddiyo nabadeed, isagoo intaas ku daray in tani ay suurogelinayso howlaha ay wasaaraddiisu rabto inay qabato.
Muddadii uu shirku socday waxaa sidoo kale ka hadlay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya, C/raxiim Cabdi Abiikar isagoo bogaadiyay kasoo qaybgalayaasha uguna mahadceliyay shaqada ay hayaan.
"Wasaaraddu waxay ballanqaadaysaa inay howsha kor u sii qaaddo," ayuu yiri wasiir ku xigeenku si kooban u yiri. Isagoo intaas ku daray inuu xoogeystay xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya labada dhinac ee Kenya iyo Soomaliya waxaana lagu guuleystay in dhacdooyin badan oo keeni karo khilaafyada waaweyn la xaliyo, kuwaas oo kala ah:
- In qori laga qaatay booliska Kenya dib ay u soo celiyaan guddiyada nabada.
- In gaari laga dhacay dhinaca Kenya isagana dib loogu soo celiyo Kenya.
- In nin Soomaali ah oo xoolihiisa u iib geeyay dhinaca Kenya markuu gatay laga dhacay lacagtii uu ka helay xoolihiisa taasoo dib loosoo celiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya